๐—ซ๐˜‚๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—”๐—ณ๐—ฟ๐—ถ๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ž๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ถ๐˜€๐—บ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ ๐— ๐˜‚๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—บ ๐—”๐—ต

Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka JSL, iyo masuuliyiinta Baanka Horumarinta Afrika oo go,aamiyay dhismaha Jidka Boorama ilaa Lawyacado iyo samaynta Daraasada Jidka Hargaysa ilaa Ood-wayne.

Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Soomaaliland Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, ayaa kulan kula qaatay Caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi, masuuliyiinta sarre ee Baanka Horumarinta Africa (African Development Bank).

Kulankan oo uu qayb ka ahaa Maareeyaha Hayโ€™adda Horumarinta Wadooyinka JSL Md. Mawliid Nuux Ibraahim, ayaa waxaa lagaga wada hadlay sidii loo bilaabi lahaa dhismaha Waddada Lowyo-cado Fardaha ilaa Borama, iyo bilowga Daraasadda Wadada Hargaysa, Oodweyne ilaa Burco.

Waftiga oo mudooyinkii u danbeeyay safar shaqo ku joogay dalka Kiiniya ayaa waxa ay kulamo kala duwan la qaadanayeen masuuliyiinta ugu sareeya Baanka horumarinta Afrika, kaasi oo Somaliland ka caawinaya dhismayaasha jidadka Boorama ilaa Lawyacado iyo samaynta daraasada jidka Hargaysa ilaa Oodwayne.

Dhismayaasha jidadkan ayaa ah kuwo uu dalku baahi wayn u qabo in la dhiso, sababta oo ah waxa ay muhiim u yihiin isku xidhka gobolada dalka iyo sidoo kale dalalka aynu dariska nahay sida Jabuuti oo kale, kaasi oo xidhiidh dhaqaale iyo mid gacansiba uu inaga dhexeeyo.

Gabogabadii Jidka Boorama, Fardaha ilaa Lawyacado ayaa ah mid ay dhammaatay daraasadii lagu hagayay jidka intiisii badnayd balse ay u hadhsan tahay in la dhiso oo kaliya, waftiga xukuumada iyo masuuliyiinta Baanka horumarinta Afrika ayaa go,aan ku gaadhay in dhismaha jidkaasi muhiimka ah la bilaabo inta sanadkan ka hadhay.