๐—•๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ค๐—ฎ๐—ฏ๐˜๐—ฎ๐˜† ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—น, 1 ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐—ป๐—ฒ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ถ๐—ถ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐—ช๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†

Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan qaybta Ilaalada Cashuuraha ayaa gacanta kusoo dhigay 13 Kartoon oo khamri ah oo ay ku jiraan 312 dhalo iyo sidoo kale hal eedaysane iyo gaadhigii lagu siday, sidoo kale waxa ay xuseen uu baxsaday hal eedaysane oo Ciidanku ku raad-joogo iyada oo si degg degg ah loo horgayn doonaa laamaha sharciga.

Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu digniin u dirayaa dadka caadaystay ka ganacsiga Maandooriyayaasha Khamriga iyo xashiishada waxaanan u soo jeedinaynaa ina ay ka waantoobaan.

Waxaanu yidhi.โ€œMaanta waxa aanu ummada Somaliland u soo bandhigaynaa Khamriga halkaasi yaala iyo baabuurkaasi ciidanka Booliisku ku soo qabteen buurta Qalax, tirade Khamrigaasi oo ka soo gudbay xadkaasi Itoobiya, waa 13 Kartoon oo isu gayn ay ku jiraan 312 quraaradood oo khamriga โ€˜โ€™Dry geinโ€™โ€™ la yidhaahdo ah iyo 22 quraaradood oo ah nooca Biir-ka la yidhaa.

Waxaa soo qaybtay Booliiska qaybta ilaalinta cashuuraha oo xuduudaasi u joogay inay kootarabaan ka ilaaliyaan, waxay gacanta ku soo dhigeen Khamriga tiradaasi leh iyo Baabuurkii siday iyo hal eedaysane oo ragii Khamriga waday ah, hal nin baa ka cararay midna waa la hayaa, waa guul u soo hoyatay ummada Somaliland ee la dagaalanta sharci darada.

Xeerka number-kiisu yahay 21 ee ka soo baxay golayaasha qaranka Somaliland ayaa mamnuucaya isticmaalka, cabida, ka ganacsiga iyo haysashada maandooriyaha Khamriga, isaga oo Boolisku taasi fulinaya oo shaqadiisu tahay socodsiinta shuruucda qaranka, Khamrigaa kootarbaanka ah ee sharci darada ah bay soo qabteen, waxana laga hortagay kharat iyo mukhaadaraad la galinayay ummada Somaliland naftooda iyo dhaqankooda oo intaba mamnuucka ah kitaabka ILLAAHAY na diiday.

Ummada waxaanu uga digaynaa in ay iska ilaaliyaan Khamriga ama mukhaadaraadka lagu biinayo noloshooda, Booliiskana ku gacan siiyaan la dagaalankiisa oo meel kasta oo la sheego ama lagu hayo ama lagu arko ay Booliska u soo sheegaanโ€™โ€™.