Waa markii Itoobbiya ay buuxinaysay qaybtii saddexaad ee biyo xidheenka wayn ee ay dhisayso; waana markii khilaafka iyada iyo Masar iyo Suudaan u dhexeeyaa heerkii ugu sarreeyay marayay. Sidoo kale, Turkigu waxa uu Itoobbiya ka gacan siiyay, oo aan sir ahayn, dagaalkii gobolka Tigreega ka dhacay. Iyagoo diyaaradihii uu siiyay ay qayb wayn ka qaateen guusha dawlada Itoobiya ku dhawaaqday.
Marka dhinaca dhaqaalaha la eego, maal gashiga Turkigu ku leeyahay Itoobbiya waxay gaadhay $ 2.5 Billion. Bucshuradaha Turkigu u dhoofiyay Itoobbiya sanadkii 2022 waxay gaadhay $ 332 milyan oo doolar.Miisaanka iswaydaarsiga ganacsigu waxa uu si wayn ugu janjeedhaa dhanka Turkiga. Haddii aynu ognahay in dhaqaaluhu siyaasada hogaamiyo, iskaashiga labada dalna uu ka sareeyo, midka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ama Kiiniya iyo Turkiga, saamayn intee leeg ayuu yeelan karaa heshiiska dhaqaale iyo ciidan ee maanta dhex maray Soomaaliya iyo Turkiga.
Heshiisku muxuu ku soo kordhin karaa ama ka bedeli karaa khilaafka sii murgaya ee Somaliland iyo Somalia u dhexeeya dhawaantan? Hargaysa iyo Muqdisho ma ku dhacaan in ay khilaafkooda dhammeeyaan oo isfahan gaadhaan iyagoo aan isu xulufo urursan? bal abda.
Bandhige@gmail.com