13 Qof ayaa ku dhintay qarax ka Dhacay Baakistaan

Qof is-miidaamiye ah ayaa isku qarxiyey barxadda horee ee Maxkamadda ku taalla magaalada Shabqada woqooyiga galbeed ee Baakistaan, qaraxan ayaa waxa ku dhintay 13 qof, sidoo kalena waxa ku dhaawac may 36 qof oo kale.

Booliksa ayaa waxay sheegay in dadka weerarka lala beegsaday  ay ku jiraan haween, carruur iyo booliskii Maxkamadda ilaalinayey.

Tariq Hassan oo ka tirsan booliiska magaalada, ayaa warbaahinta u sheegay in ilaalo ka tirsan booliiska ay aqoonsadeen islamarkaana joojiyeen ninka iska qarxiyey, hase yeeshee markii ay isku dayeen in ay qabtaan uu is-qaxriyey.

Qaraxan ayaa waxa uu ahaa mid aad xoogaan kaas oo sababay qasaare dhimasho, dhaawac iyo mid waxyeeleed u gaysatay burbur dhismayaal ka agdhowaa.

Afhayeen u hadlay kooxda Jamatul Ahrar oo qeyb ka ah garabka Taliban ee dalka Baakistaan, taasi oo dagaal kula jirta dowladda, ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa.

Bayaan kasoo baxay kooxdan, ayaa lagu sheegay in weerarka loogu aargudayey daldalaadda Mumtaz Qadri, oo ahaa ilaalo ka tirsanaa booliiska, kaasi oo dilay Gudodomiyihii gobolka ugu dadka badan Baakistaan ee Punjab.

bandhige@gmai.com