134 qof ayaa ku dhintay dhul-gariir ku dhuftay Mexico

Volunteers search a building that collapsed after an earthquake, in the Roma neighborhood of Mexico City, Tuesday, Sept. 19, 2017. A magnitude 7.1 earthquake has rocked central Mexico, killing at least 55 people as buildings collapsed in plumes of dust and thousands fled into the streets in panic. (AP Photo/Eduardo Verdugo)

 

Wararka ka imanaya dalka Mexico ayaa sheegaya invuu halkaas ka dhacay dhul-gariir xooggan, oo cabbirkiisa lagu qiyaasay illaa 7.1 Magnitude. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ku soo waramaysa in dhimashadu gaadhay illaa 134 qof.

Dhul-gariirka ayaa sababay in ay burburaan dhismayaal kala duwan oo ku yaalla caasimadda dalkaas, haatanna waxa socda gurmadka loo fidinayo dadka dhismayaashu ku dumeen.

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka kuwaas oo ay ka muuqatay cabsi xooggani, isla markaana malaayiin qof ayaa waayay laydhkii.

Maayarka magaalada Mexico City ayaa sheegay in illaa 44 dhisme ay si weyn waxyeello u soo gaadhay ama ay guud ahaanba burbureen, sidoo kale waxa dhacay in qaar ka mida dhuumaha shidaalka qaada in ay dillaaceen, meelaha qaarna uu dab ka dhashay.

Xoghayaha Arrimaha Guddaha ayaa u sheegay telefishan gudaha dalkaas laga leeyahay in kooxaha gurmadku ay ka shaqaynayaan sidii ay dad nool uga baadhi lahaayeen burburka.

Dhulgariir kale oo xooggan ayaa bishan September 7-deedii ka dhacay dhinaca Koonfureed ee Mexico oo ay ku dhinteen illaa 98 qof.

Dhismayaasha ku burburay caasimadda dalka Mexico waxa ku jiray dabaqyada dhaadheer oo la degan yahay, Dugsiyo, wershedo iyo goobaha laga dukaamaysto.

bandhige@gmail.com