Murashax Cirro iyo weftigii uu hoggaaminaayey waxa maanta lagu soo dhoweeyey Hargeysa

 

Safar qaatay muddo 12-cisho ah isla mar ahaantaana Murashaxa Madaxweynaha WADDANI iyo wefti uu hoggaaminayaa ay socdaal la xidhiidha wacyi-gelinta qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta Doorashada ay ku soo mareen goballada bari ee Sool iyo Sanaag, ayaa maanta dib ugu soo laabtay isla mar ahaantaana si weyn looggu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa.

Weftigan Murashax Cirro oo ay taageerayaal badan ayaa bariga magaalada Hargeysa, waxay ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan, calanka bilicda san ee WADDANI iyo weli ba sida oo kale erayo ay ku dhawaaqayeen oo ay ku muujinaayeen cududdooda taageero ee ay u hayaan Xisbiga WADDANI.

Dr. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna halkaas warbaahinta kula hadlay, ayaa si weyn u sheegay in uu ku faraxsan yahay sida oo kale na uu taageerayaasha uga  mahad-celinaayo soo dhaweynta ay ugu sameeyeen duleedka bari ee magaalada Hargeysa, waxaana uu yidhi:-

“Waxa aanu idiin ka mahad-naqeynaa soo dhaweynta aad na soo dhaweyseen anaga oo ka soo galnay oo halkana ay tahay afaafkii laga galaayey magaalada, soo dhaweynta aad nagu soo dhaweyseen aad baad ugu mahad-san tihiin, waa so dhaweyn aan looggu talo-galin waayo maanta olole ma jiro.”

bandhige@gmail.com