60 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Maali

 

Koox xagjir ah oo xidhiidh la leh ururka al-Qaacida ayaa sheegatay mas’uuliyada weerar isqarxin ah oo Arbacadi shalay lala eegtay xero milatari oo ku taala waqooyiga dalka Maali, halkaas oo ay ku dinteen ugu yaraan 60 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 115 kale.

Baabuur walxaha qarxo lagu soo xidhay ayaa gudaha u galay xerada oo ku taala magaalada Gao, xilli ay boqolaal ciidanka ka tirsan ay u fadhiyeen kulankooda subaxlahaa ahaa.

Wasiirka arrimaha dibedda Maali, Abdoulaye Diop ayaa weerarkaaasi ku tilmaamay danbi fulaynimo iyo waxshinimo ah.

Wuxuu sheegay in Maali ay sadex maalmood u baroordiiqi doonto askarti ku dhimatay weerarka, isaga oo wacad ku maray in lasoo qaban doono kuwi ka danbeeyey lana ciqaabi doono.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in xoogaga xaqjirka ah ay sannadkii hore dileen 29 askari oo ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee jooga Maali, walina ay khatar ku yihiin waqooyiga iyo badhtamaha dalka Maali.

bandhige@gmail.com