Abaanduulaha Ciidanka Qaranka oo Gobolka Hawd ka Gudoomay 600 oo Neef oo Adhi ah

Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale Afguduud iyo Taliyaha hawlgalinta Ciidanka qaranka Sarreeye guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan Cabdidheere ayaa Maamulka Gobolka Hawd kala wareegay Kaalmo xoolo nool ah oo ay ugu deeqeen Ciidanka qaranka Somaliland.

Abaanduulaha Ciidamada qaranka Somaliland Sarreeye guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale Afguduud oo kaalmada adhiga kala wareegay ayaa sheegay in dadweynaha Somaliland garabtaaganyihiin Ciidanka qaranka.

Waxaanu yidhi”Aniga iyo hogaamada Ciidamada qaranka waxaan ka gudoomay 600 oo Neef oo adhiya oo nalagu wareejiyay oo Gobolka hawd ugu deeqay Ciidamada qaranka.xaga dawlad ahaan Ciidamada taakulada way isku filanyihiin, hase ahaatee dadweynahayagu iyaga oo jecel ciidan kooda way garabtaagan yihiin oo iyaga oo degmo iyo Gobolba,”.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa waxa uu tilmaamay in gobalka hawd barbar taaganyihiin Ciidanka qaranka.
Waxaanu yidhi”Waxa aad naga guddoontaan deeq adhiya oo Gobolka Hawd ugu deeqay Ciidamada qaranka,waxa aanu barbar taaganahay Ciidanka qaranka waayo ciidanku waxay ilaaliyaan sharafteena,”.

Guddoomiyaha Gobolka Hawd Ceeleeye Xuseen Aadan, ayaa ku ammaanay Gobolka Hawd ee deeqdan adhiga ah ee ay ugu deeqdeen ciidanka qaranka.

Waxaanu yidhi. “Hadaanu nahay Gobolka Hawd waxa aanu ku wareejinaynaa Ciidamadd qaranka 600 Neef oo adhiya,waxaana uga mahadnaqayaa shacabka GobOlka Hawd oo isku xilqaamay in ay garabistaagaan Ciidanka qaranka,”.

Sidoo kale Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka Liibaan Yuusuf Gaaxnuug iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Yurub Abiib Cabdi ayaa waxa ay uga mahadnaqeen dadweynaha Gobalka Hawd adhigan ay ugu deeqeen Ciidamada qaranka Somaliland.