Dallada SONSAF oo ka Hadashay Talooyin ay u Gudbiyeen Guddida Is Waafajinta Doorashooyinka

Guddoomiyaha Dallada jileyaasha aan Dawliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF Mudane Anwar Cabdiraxmaa Warame, ayaa ka hadlay kaalinta ay ururrada bulshada rayidka ah ee Jamhuuriyada Somaliland kaga jiraan taageerida nidaamka dawliga ah iyo Horumarintiisa.

Md. Anwar Cabdiraxmaan, guddoomiyaha dallada SONSAF waxa uu ka warramay kulan ay maanta Hargeysa kula qaateen guddida farsamo ee golaha wakiilladu u magacaabay is waafajinta doorashooyinka, kuwaas oo maalmihii u dembeeyey kulamo kala duwan ku lafo gurayay sidii looga bixi lahaa xaallada lagu jiro.

Guddoomiye Anwar oo ay weheliyaan xubno ka tirsan dallada Sonsaf iyo masuuliyiin kale ayaa tilmaamay inay guddida u gudbiyeen qoraal xambaarsan talo soojeedin la xidhiidha sidii la isu waafajin lahaa xeerarka dalka iyo goaankii guddida dhexdhexaadinta, isaga oo guddoomiye Anwar hoosta ka xariiqay in ay ururrada bulshada rayidka ahi mar walba garab joogaan guddida goluhu saaray iyo guud ahaanba hay’adaha dawliga ah ee wada shaqayntu ka dhaxayso.

Guddoomiyaha SONSAF, Mr. Anwar waxa uu sidaas ku sheegay qoraal kooban uu ku baahiyey degelkiisa barta xidhiidhka bulshada ee Facebook.

Qoraalkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan;
“Waxa aanu maanta kulan xog-iswaydaarsi iyo wada-tashi ah la yeelanay Guddida gaarka ah ee Golaha Wakiilada Somaliand u xilsaareen in ay isasoo waafajiyaan talo -soojeedintii ergada dhexdhexaadinta iyo Xeerarka doorashooyinka Somaliland.

Ururada Bulshada rayidka ah ee Soomaalilaand waxa ay guddida hab qoraal ah iyo hadalba kula wadaageen guddida talo-soojeedimo la xidhiidha sida ugu habboon ee Xeerarka iyo talada ergada la isu waafajin karo, iyo qodobada ku jira xeerarka doorashooyinka ee u baahan in waxka-beddel iyo kaabis lagu sameeyo.

Ururada Bulshada rayidka ah ee Soomaalilaand waxa ay marwalba u taaganyihiin sidii ay taageero farsamo ugu biirin lahaayeen hay’adaha dawliga ah”