Abwaankii allifay heesta “Aan maalno hasheenna Maandeeq” oo geeriyooday

Abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi (Jebiye) ayaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday

Alle ha janneeyee Abwaanku sida uu iigu sheegay waraysi aan 4 sanno ka hor Hargeysa kaga qaaday qiyaas ahaan sannadkii 1938kii ayuu ku dhashay Magaalada Hargeysa  gaar ahaan xaafadda Jameecada oo la sheego inay ahayd halkii  magaalada Hargeysa ay  ka bilaabmay asaaskeedu.

sannadihii 1954-1955 ayuu sugaan samaynta ka bilaabay Hargeysa, wuxuu allifay riwaayado dhawr ah oo qaarkood  ka hadlayey xorriyad doonka Soomaalidii Ingiriisku haystay. Sidoo kale  wuxuu lahaa laxanno Qaraamka ah sida laxanka cajiibka ah ee Kaar.

Dadkii uu fankooda soo gacan qabtay waxa ka mid ahaa Cismaan Maxamed Cabdikariim , Axmed Muxumed Good Shimbir iyo Xaliimo khaliif Magool. Oo dhammaantood qaada heeso uu allifay sida  Asluub badaneey.

Heesta loo aqoonsaday heesta xorriyadda ee “Aan Maalno hasheenna Maandeeq”  ayuu allifay waxaana heestaas la qaaday calansaarkii  26 June 1960″ waxaana heestaas qaaday Maxamed Axmed kuluc oo ay weheliyeen hoboladii Hargeysa.

Alle ha janneeyo wuxuu ahaa ogaalkayga Abwaanka ugu da’daweyn ee ka sii hadhay Suugaanleydii Cuslayd.

WQ: Cumar Seerbiya.