Adeeg Isgaadhsiineed iyo Mid Internet oo Xukuumaddu ka Hirgelineyso Degaanada Xeebaha Dalka

Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyada Somaliland, ayaa soo qaban qaabisay kulan ay wasaaradda Kalluumeysiga iyo horumarinta xeebuhu ay dalbatay, kaas oo diirada lagu saaray sidii degaanada xeebaha iyo gaadiidka Kalluumeysigu u heli lahaayeen adeeg bixin isgaadhsiineed, sida telefoonada iyo internetyada.

Kulankan waxa ka qayb galay wasiiradda wasaaradda isgaadhsiinta iyo Kalluumeysiga Mudane, Axmed Yuusuf Idiris iyo Maxamuud Warsame Jaamac, agaasimyaasha guud ee labada wasaaraddood iyo masuuliyiin ka socday shirkaddaha isgaadhsiinta Telesom iyo Somtel.

Sidoo kale intii kulankani socday ayaa siweyn looga dooday caqabaha la xidhiidha isgaadhsiin la’aanta iyo internet la’aanta, taas oo curyaamisay hawlihii shaqo ee gaadiidka iyo Kalluumeysatada, waxaana la isla qaatay in degaanada xeebuhu ay helaan isgaadhsiin iyo internet dhammeystiran oo ku filan adeegbixintooda.

Gaba-gabadii hawshan ayaa timid kadib markii wasaaradda Kalluumeysiga iyo horumarinta xeebuhu ay sameysay xog ururin rasmiya oo la xidhiidha ogaanshaha adeega isgaadhsiin la’aanta iyo internetka ee ka jirta xeebaha dalka JSL.

Hirgelnta adeegyada internetka iyo isgaadhsiintuna waxa ay noqonaysa guul u soo hoyatay bulshooyinka ku nool xeebaha, isla markaana xal u helaya iibkii Kalluunka ay badda kala soo baxayeen iyaga oo dirsanaya fariimo ay suuqyo ugu raadinayaan Kalluunka maalinkasta ka xumada ee ay bada ka soo jilaabtaan.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com