Baanka Dhexe Ee JSL oo Go’aamo ka soo Saaray Sarifka Lacagaha Qalaad

Hargaysa (Dawan): Baanka dhexe ee Somaliland ayaa shalay magaaladda Hargaysa ka fuliyay hawl-gal ay ujeedadiisu ahayd sidii suuqa sarifka loo gelin lahaa lacag dollar ah, isla markaana lacagta kaashka ah ee dheeraadka ah suuqa looga soo saari lahaa.

Si loola dagaalamo sarrif bararka maalmahan danbe sida weyn looga dareemayay suuqyadda sarifka lacaga ee magaalooyinka dalka, iyadoo ay dadweynuhu maalmahanba aad u hadal hayeen sarif bararka dalka ka taagan.

Waxaana hawl-galkaasi hor kacayay guddoomiye ku-xigeenka baanka dhexe ee Somaliland, oo uu wehelinayay agaasimaha guud ee baanka dhexe iyo saraakiil kale oo ka tirsan baanka dhexe ee Somaliland, iyadoo ay hawl-galkaas ka fuliyeen suuqa sarifka ee caasimadda Hargaysa.

Maxamed Qaasim Xuseen, agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee Somaliland oo hawl-galkaas ay suuqa sarifka ay ka sameeyeen kadib warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay u jeedadda lacagta dollar geliyeen iyo kaashka ay suuqa uga soo ururiyeen, iyo halka uu marayo sarifka lacagat shillinka Somaliland.

Waxaanu yidhi “Waxaanu hawl gal ka fulinay suuqa sarifka ee magaaladda Hargaysa, anagoo la dagaalamayna sarif bararka beryahan ku yimid suuqa isku sarifka lacagaha qalaad., anagoo samaynay in aanu suuqii lacag dollar ah gelino, kana soo saarno kaashka Somaliland shillinka ah.

Waxaanu bulshadda ku wargelinaynaa in xadiga sarifka ee lacagta doolarka ee in lagu dhaqmo la doonayaa uu yahay 9350 shilin, oo gacanta hore ah, iyo 9450 shillin oo gacanta danbe ah”.

Waxaanu intaa raaciyay “Waxaanu fariin u diraynaa dhamaanba sarifleyaasha dalka ka shaqeeya, ee ku shaqaysta isku sarifka lacagaha qalaad. Lacagta dollarka iyo Somaliland shillinka marka la isku sarifayo, wuxuu baanka dhexe jaan-gooyay in lagu sarifo xadiga maanta, iyadoo xadigu uu maalin walba is bedeli doono.

Baanka dhexe wuxuu waajib ka saaran yahay inuu ilaaliyo xasiloonidda lacagta, kor na u qaado tayadda shillinka Somaliland. Sidaas darteed, waxaa sarifleyaasha la farayaa xadi aan baanka ka soo bixin, cidii ku sarifta in tallaabo laga qaadi doono. Sarifle waliba ma dhaafi karo xadiga lacagta sarifka ee baanka dhexe u gooyay”ayuu yidhi agaasimaha guud ee baanka dhexe ee Somaliland.

Geesta kale Maxamed Qaasim Xuseen, ayaa digniin u diray meheradaha ganacsiga ee marka ay bulshadda wax ka iibinayaan qiimaha alaabta ugu sheega lacag doolar ah, iyagaoona marka ay lacagta kaashka ah ka qaadanayaan dul saara lacag aad u fara badan.

Waxa kaloo aan halkan fariin uga dirayaa meheradaha marka ay dadku wax ka iibsanayaan, ee ay qiimaha dollar ugu sheegayaan, ee lacag xadka ka baxsan ku sarifaya, in ay iyaguna joojiyaan. Qofkii lagu arko, ama ay bulshadu kas oo cabato ee cadaymo buuxa laga keeno, meheradaasi tallaabo ayaa laga qaadayaa.

Dhinaca kale agaasimaha guud ee baanka dhexe ee Somaliland ayaa fariin u diray shirkadaha bixiya addeegyadda laydka, kuwaasoo uu ugu baaqay in lacagaha ay bulshadda ka qaadayaan in ay ku jaan-gooyaan lacagta shillinka Somaliland.

Waxaanu yidhi “Waxa kaloo aan halkan fariin uga dirayaa shirkadaha Laydhka bixiya, oo aan leeyahay waa in aad xadiga lacagtiina ku salaysaan in lacagta aad bulshadda ka doonaysaan, aad ugu sheegtaan lacagta shillinka Somaliland.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com