Afhayeenkii Daacish waxa lagu dilay Suuriya

Ururka Dawladda Islaamiga “Daacish” ayaa shaaciyay in mid ka mid ah saraakiisha sare lagu dilay dalka Suuriya.

Abu Maxamed al-Cadnani, oo ahaa afhayeenka ururkaasi ayaa lagu dilay iska hor imaad ka dhacay gobolka Xaleb, sida lagu sheegay barta internet-ka ee Amaq, ee xidhiidhka la leh dawladda Islaamiga.

Ururka ayaan ka hadlin xilliga uu dhintay sarkaalkaasi.

Mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee Maraykanka, ayaa warbaahinta u sheegay in ay qiimeynayaan duqeyn cirka ah oo sSalaadadii loo geystay deegaanka al-Bab ee waqooyi bari Xaleb.

Waaxda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa al-Cadnani ku tilmaamtay in uu yahay argagixis caalami ah, waxaana madaxiisa dulyaalay 5 milyan oo doolar.

bandhige@gmail.com