Aftidii bixitaankii Ingiriiska ee Midowga Yurub waxa uu saameeyey dhaqaalaha adduunka

Aftidii Ingiriisku u qaaday ka mid ahaanshaha Midowga Yurub iyo ka bixida, kuna go’aansadeen in ay ka baxaan Midowga Yurub ayaa waxay saameyn weyn ku yeelatay dhaqaalaha adduunka oo markii hore iska ciir-ciirayey.

Hadal haynta saameynta dhaqaalaha ayaa waxay hadhaysay shirka waddamada dhaqaalaha G20 ee haatan ka socda Shiinaha.

Dalalka ugu dhaqaalaha weyn adduunka ayaa sheegay in natiijadii ka soo baxday aftidii bishii hore ayaa saamaysay dhaqaalaha caalamka kaas oo aan hore luggo aad u adag ku taagnayn.

Wasiirka Maaliyadda ee Ingiriiska Philip Hammond ayaa sheegay in mawduucaasi uu keenay “heshiis wayn” intii uu socday kulankaas labada maalmood socday, laakiin waxa uu wariyayaasha u sheegay in ay saameyntu sii socon doonto tan iyo inta ay soo gabagabaynaan wada-hadalada Midowga Yurub isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“In xaqiiqadu tahay in hubaanti la’aantu ay sii socon doonto inta laga soo gabogabaynayo wadahadalada ay la leeyihiin Midowga Yurub.”

Kulanka magaalada Chengdu ee dalka Shiinaha kaddib dalalka ku midaysan G20 waxay sheegeen in si fiican loo hagaaiyey in durba lala qabatimo saamaynta dhaqaale iyo mida maaliyadeed ee ka dhalan karta kabixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub.

Sidoo kalena waxa uu dhaqaalihiisu hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha Ingiriiska kadib markii ay ka baxeen Midowga Yurub.

bandhige@gmail.com