Wasiirka Gaashaan Dhiga Somaliland Cabdiqani Maxamud Caateeye (Fariid) ayaa xilkii u kala wareejiyay Agaasimaha cusub Mubaarig C/laahi Daljir iyo ku simihii agaasimaha guud ee wasaaradda Gaashaan dhiga Aniisa Xuseen Cali.
Munaasibadan xilwareejinta ah oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaan-dhiga waxa ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Qaranka, Guddoomiyaha maxakamadda Ciidanka qaranka, xeer ilaaliyaha guud ee ciidammada Qaranka, guddoomiye ku xigeenka maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa iyo shaqaale weynaha wasaaraddaasi.
Aniisa Xuseen Cali, kusimaha gaaasimihii hore oo halkaasi ka hadashay ayaa faahfaahin ka bixisay qaab dhismeedka wasaaradda, waaxaha ay ka koobantay Wasaaradda Gaashaan-dhiggu.
Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Qaranka, Guddoomiyaha maxakamadda Ciidamadda Qaranka iyo guddoomiye ku xigeenka gudiga maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa, ayaa u mahadnaqay ku simaha agaasihii hore ee wasaaradda Gaashaandhiga iyo hawl wadeennada Wasaaradda sidoo kalena waxa ay u rajeeyeen agaasimaha cusub ee la wareegay xilka wasaaradaasi inuu Alle u fududeeyo iyaga oo ku sifeeyay shakhsi hawl kar ah.
Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Gaashan dhigga Mubaarig C/laahi Daljir, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanu ku cusbayn xilka agaasimaha guud, shaqaalaha wasaaradda gaashaandhigana ay in badan soo wadashaqeeyeen.
Wasiirka wasaaradda Gaashaan Dhiga Mudane C/qani Maxamud Caateeye (Fariid), oo xilka u kala wareejiyay agaasimaha cusub iyo kusimaha agaasimihii hore ayaa sheegay in muddo laba sanno ah oo xilka ku simaha agaasimaha guud ee wasaaradda ay haysay Aniisa Xuseen Cali, oo ahayd qof masuul ah oo isku waday hawlaha wasaaradda oo dhan, waxaanu agaasimaha guud ee cusub ku soo dhaweeyay xilka wasaaradda oo uu sheegay in ay ka mid tahay shaqooyinka ugu muhiimsan qaranka.
Xigasho: SOLNA