Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu wuxu Tababar u soo xidhay dhallinyaro baranaysa wadaniyada iyo mutadawacnimada qiima ay u leedahay bulshadooda

 

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu Maxamed Cabdilahi Saciid “Khaawi” wuxu tababar u xidhay 28 dhallinyaro ah oo baranaya waddaniyada iyo mutadawacnimada, tababarkan ayaa lagu qabtay hudheelka Imperial.

Tobobar waxa uu socday muddo dhan saddex cisho, waxaana iska kaashaday Wasaarda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Hayada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dadweynaha ee magacadeed loo soo gaabiyo UNFPA.

Ujeedada Tobobarka oo ku saabdanaa sidii Dhalinyarada loogu dhiirigalin lahaa muhiimada mutadawacnamda ay leedahay. Intii tababarku socday ayaa waxa lagu lafaguray sidii dhallintu hormuudka uga noqon lahaayeen arrimaha bulshada iyo sidii kale ay dhallinyarada iska wacyi gelin lahaayen khataraha bulwadaha.

Sidoo kale waxa tababarkan lagaga dooday khataraha uu leedahay iskooxaysiga dhallinyarada oo sababa inta badan ay ku kacaan kufsi iyo jid-gooyo ay u sameeyaan haweenka iyo hablaha.

Agaasimaha guud ee wasaarada Dhalinayrda iyo Ciyaaruhu waxa uu dhalinyadii tobabarka qadatay kula dar daarmay in ay tobobarka ay qaateen in ay uga faa’iideeyaan bulshada.

Dhallinyaradii ka soo qayb gashay tabarka kazoo qayb gashay ayaa waxay soo jeediyeen in la joogteeyo tababarada noocan oo kale ah.

bandhige@gmail.com