Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ay wehelinayaan Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Horuumarinta Maaliyada iyo Arrimaha Bulshada ayaa shir ku saabsan hoggaaminta iyo Daryeelka Bulshada kaga qaybgalay dalka Talyaaniga, gaar ahaana Magaalada Torino, iyadoo ay ka soo qaybgaleen 40 xubnood oo ka socdey Caalamka.

Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqo-gelinta Arimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL Mudane Axmed Xasan Aw Aadan qaybna ay ka yihiin agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo maaliyadda ayaa maanta ka qayb galay tobabar iyo khibrad wadaag khuseeya arimaha hogaaminta daryeelka bulshada.

Oo ka dhacaya wadanka talyaaniga, magaalada qadiimiga ah ee torino gaar ahaan xarunta caalamiga ee taboradada ee hayada ILO “international training center ILO”

Tobabarkani oo kulmiyey 44 dal oo ay somaliland ku jirto ayaa lagu qaadan doona qaabka ugu haboon ee loo hogaamiyo daryeelka bulshada ” leadership for social protection”.Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqo-gelinta Arimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL Mudane Axmed Xasan Aw Aadan qaybna ay ka yihiin agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo maaliyadda ayaa maanta ka qayb galay tobabar iyo khibrad wadaag khuseeya arimaha hogaaminta daryeelka bulshada.

Oo ka dhacaya wadanka talyaaniga, magaalada qadiimiga ah ee torino gaar ahaan xarunta caalamiga ee taboradada ee hayada ILO “international training center ILO”

Tobabarkani oo kulmiyey 44 dal oo ay somaliland ku jirto ayaa lagu qaadan doona qaabka ugu haboon ee loo hogaamiyo daryeelka bulshada ” leadership for social protection”.