Agaasimaha guud ee wasaaradda degaanka iyo isbeddelka cimilada Somaliland,ayaa tababar socon doona muddo laba maalmood ah u furey xubno ka mid ah shaqalaha dowladda hoose caasimadda Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda degaanka iyo isbeddelka cimilada Somaliland, Maxamed Cabdillaahi Ducaale ayaa tababar socon doona muddo laba maalmood ah u furey xubno ka mid ah shaqalaha dowladda hoose caasimadda Somaliland.

Agaasime Cabdillaahi ayaa sheegay in tababarkan ujeedadiisu tahay sidii ay shaqaalaha dowladda hoose ee caasimada Hargeysa u baran lahaayeen xeerarka iyo siyaasadaha arrimaha Deegaanka khuseeya iyo sidii bulshada loogu baraarujinlahaa isbeddelka ku yimaada cimilada adduunka iyo kaalintii ay ka qaadan lahaayeenba.

Maxamed Cabdillaahi Ducaale agaasimaha guud wasaradda Deegaanka iyo isbeddelka cimiladda waxa uu xusay in tabbabarkan shaqalahaa qaatey ka caawin doono aqoonta u yeelan doonaan goobaha warshadaha cusub dalka yimaada laga dhisi karo, lagagana gaashaaman karo dhibaato ku timaadda deegaanka iyo goobaha biyo mareenada ah in aanaey soo gaadhin wax wasakh ahi.

Gaba’gabadiina waxa agaasimaha guud uu kula dardarmay shaqalihii tabobarkaas baranaayey in aqoonta goobtaas ku barteen bulshada ugu adeegaan howlahooda shaqana ku dabokhaan.

 

Xigasho:SLNTV

Bandhige@gmail.com