Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Abdirashid Aideed Yasin ayaa maanta Daah-furay tababaro kala duwan oo loo qaban doono shaqaalaha Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha.

ARBACA(14 – 06 – 2023)Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Abdirashid Aideed Yasin ayaa maanta Daah-furay tababaro kala duwan oo loo qaban doono shaqaalaha Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha.

tababaradan oo ka kooban afar tababar oo kala ah { Office Management, Communication, Archive iyo Report Writing ayaa noqon doona dhisidda iyo tayaynta shaqaalaha, waxaana runtii ay noqon doonaan mid ay ka muuqan doonto Shaqada Wasaaradda ay qaranku uhayso.

Agaasimaha Waaxda shaqaalaha Cadnaan Ilka CaSe oo ugu horayn kulankaasi kahadlay ayaa ka warbixiyey ujeedada tababaradan loo siinaayo shaqaalaha wasaaradda, waxaana kaqayb qaadanayaa 40shaqaale oo mudadaasi uusocdo dhigan doona, iyada oo aanay noqon doonin tababaradii ugu dambeeyay ee shaqaalaha wasaaradda loo qabto ee ay noqon doonaan qaar aanu halkaasi kasii wadno.

Ugu dambayn Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda ayaa si rasmi ah ufuray tababaradaasi, isaga oo uga mahadnaqay cidkasta oo qayb ka qaadatay diyaarinta tababaradan.

Waxaana uu intaasi kusii daray agaasimuhu in shaqaaluhu ay ka faaidaystaan aqoonta kujirta tababaradan oo ay kula noqdaan xafiisyada ay ka shaqeeyaan, iyada oo cidda marwalba aynu udeegayno ay noqoto qaar ku qanca shaqada aynu qaranka uhayno.

Bandhige@gmail.com