Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu wuxu tababar  u soo gabagabeeyey 20 garsooreyaal oo lagu tababarayey wacyi-gelinta taranka caafimaadka 

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Caiyaaruhu Maxamed Xuseen Axmed “Dhabeeye” ayaa waxa uu Hudheelka Bacado ee Magaalada Hargeysa tababar ugu soo gabagabeeyey 20 garsoorayaa, tababarkan ayaa waxa uu ku saabsan waxbarashada taranka iyo xanuunada lagu kala qaado.

Tababarkan ayaa waxa uu socday muddo saddex maalmood taasii oo ay ka qayb-galayaashu isku waydaarsan doonaan aqoon tayo leh.

Ugu horayn waxa ka hadlay Agaasimaha waaxad dhallinyaradda ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xasan Cabdi oo kula dardaarmay ka soo qayb galayaasha, sharaxaadna ka bixiyay waxyaabaha laga damacsan yahay in ay dhallinyaradu ka kordhistaan tababarkan, una gudbiyaan fariimaha ay halkan ka helaan bahweynta ciyaaraha.

Wax isna halkaa ka hadlay Dr. Cabdirisaaq Faarax Xasan oo ahaa macalinkii isagu bixinayay tababarkan ayaa waxa sheegay in muhiimada uu tababarkani u leeyahay dhallinyarada iyo sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhallinyaradu guud ahaan ay u nugul yihiin xanuunad lagu kala qaado jinsiga.

Dr. Cabdirisaaq wuxu gabagabadii kula dardaarmay dhallinyarada ka soo qayb gashay tababarkan in ay uga faa’iideeyaan fariimihii ay halkan ka heleen, una gubiyaan bahweynta ciyaaraha.

Ugu dambeyntii waxa tababarkan soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed “Dhabeeye” waxa uu sheegay ujeedada looga gol leeyahay tababarkan la siiyey garsoorayaashu in uu yahay mid kor loogu qaadayo aqoonta garsoorayaasha, sidoo kalena laga rabo garsoorayaasha in ay u gudbiyaan bahweynta ciyaaraha, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Ujeeda tababarkani wuxu ku saabsanaa sidii dhallinyarada looga wacyi-gelin lahaa caafimaadka, gaar ahaanna caafimaadka taranka, iyadoo aqoonta garsoorayaasha kor loo qaadayo.  Waynu ka warqabnaa dhallinyarada Somaliland in ay yihiin dadka ugu tirada badan bulshada, maadaama ay dhallinyarada yihiin tirada ugu badan bulshada Somaliland waxa la soo darsa dhibaatooyin badan, waxaanay u baahan yihiin in aqoontooda iyo xirfadooda sare loo qaado, tani waxay ka mid tahay barnaamijyada sare loogu qaadayo xirfada caafimaadka dhallinyarada, iyadoo loo adeegsanayo in garsoorayaasha aqoonteeda caafimaadka kor loo qaado, si ay iyaguna la wadaagaan aqoonta ay halkan ka barteen bahweynta ciyaaraha.”

bandhige@gmail.com