Boko Xaaraam waxay boqolaal qof ku dishay Galbeedka Afrika

 

Hay’adda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa sheegay in ku dhowaad 400 qof oo rayid ay ku dhinteen weeraro ismiidaamin ah oo ay kooxda Boko Xaaraam ka fulisay dalalka Cameroon iyo Nigeria, tan iyo bishii April ee sanadkan.

Tiradaas ayaa ah laba jibaar tirada dadkii dhintay shantii bil ee ka horeysay bisha April, sida ay sheegtay Amnesty.

Warbixin ay maanta soo saartay Amnesty, ayaa lagu sheegay in 223 qof oo rayid ah lagu dilay weerada Boko Xaaraam ee dalka Nigeria, oo ay ku jiraan 100 shacab ah oo la dilay bishii Ogos oo kaliya.

Weerarkii ugu xumaa ee Nigeria ayaa ahaa kii dhacay 25-kii July, markaasi oo 40 qof lagu dilay gobolka Borno.

Amnesty ayaa sheegtay in tirada ay intaas ka badan karto, iyada oo ay jiraan weeraro aan la soo werin.

Dalka Cameroon, ayey dhinaca kale hay’addu sheegtay in ugu yaraan 158 qof oo rayid ah lagu dilay 30 weeraro ismiidaamin ah oo dhacay tan iyo bishii April.

Amnesty ayaa sheegtay in korodho weerarada Boko Xaaraam ee dalka Cameroon ay ugu wacan tahay iyada oo dagaalyahanada kooxdaas laga soo eryey kaymaha Sambisa ee dalka Nigeria, ayna usoo baxsadeen buuralayda Mandera ee dalka Cameroon.

bandhige@gmail.com