Raila Odinga wuxu ku hanjabay in uu qaadici doono doorasho ku celiska ah oo ay Maxkamaddu ku xukun tay

 

 

Hoggaamiyaha mucaaridka ee Kiiniya Raila Odinga ayaa ku hanjabay in aanu ka qeyb geli doonin doorashada madaxtinnimada ee ku celiska ah oo dhici doonta bisha Oktoobar, taasi oo ay Maxkamaddu go’aamisay in dib loogu celiyo doorashadii Madaxtimadda ee dhacday bishii hore.

Wuxuu sheegay in uu u baahan yahay dammaanad qaad dhinaca dastuurka ah mana uusan ka bixinin sharraxaad arrintaasi.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa maxkamadda ugu sarreysa dalka Kiiniya waxay waxba kama jiraan ka soo qaaday codbixintii dhacday bishii Ogos oo ay sheegtay in guddiga doorashooyinka ee IEBC aysan u qabanin doorashadaasi si waafaqsan dastuurka.

Maxkamadda ayaa amartay in doorashadaasi la qabto ka hor 1-da bisha Noofambar.

Go’aanka maxkamadda ayaa waxa aad u bogaadiyay mucaaridka iyo beesha caalamka qaarkood, waxaana dhacay mudaaharaadyo waawayn oo lagu taageerayo,

Balse madaxweyne Uhuru iyo xisbiga Jubilee ayaa go’aanka ku tilmaamay mid siyaasadaysan, hase yeeshee way aqbaleen go’aankaas.

Doorashadaasi dhacday Ogos ayaa waxa 54% codadkii la dhiibtay ku guuleystay madaxweynaha hadda xilka haya Uhuru Kiiniyatta halka Odinga uu helay 44%.

Odinga waxa uu maanta shir jaraa’id ku sheegay in uu doonayo in doorashadan lagu qabto jawi oggolaanyo in sixitaan lagu sameeyo wixii ka khaldamay doorashadii hore. Isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waan ognahay wixii uu sameeyay guddiga IEBC doorashadii u dambeysay. Waan ognahay inaysan waxba isbadeli doonin haddii aan ku laabano doorasho kale. Waana taasi sababta aan uga qeybgeli doonin doorashada 17 Oktoobar.”

War qoraal ah oo kasoo baxay IEBC ayaa lagu sheegay in musharixiinta kala ah Raila Odinga ee isbahaysiga NASA ee mucaaridka ah iyo Madaxweyne Uhuru Kiiniyatta ee xisbiga Jubilee oo kaliya ay u tartami karaan doorashada, maadaamaa labadoodu ahaayeen kuwii go’aanka maxkamadda lagu saleeyay.

bandhige@gmail.com