Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Kulan la Qaatay Wefti ka Socda Dalka Taiwan

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa kulan la qaatay weti sare oo ka socday dalka Taiwan.

Weftiga ayaa ka koobnaa masuuliyiin ka socday Taiwan Technical Mision iyo xubno kale oo ka socday shirkada ugu ballaadhan dhinaca ilaalinta amniga xogta, kuwaasi oo ay weheliyaan Agaasime waaxeedyo ka tirsan wasaaradda Isgaadhsiinta ee Somlailand.

Weftiga iyo Agaasimaha wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa ka wada hadlay sidii loo looga wada shaqayn lahaa loona horumarin lahaa waaxda IT iyo arrimaha Tiknoolajiyadda ee wasaaradda warfaafinta, loona abuuri lahaa goob xogta wasaaradda lagu kaydiyo lagagana hor tago wixii khatar amni ee dhanka Internert-ka iyo xogaha ah taasi oo la jaan qaadaysa hannaanka cusub ee Tiknoolajiyadda.

Masuuliyiinta weftiga Taiwan ayaa urursaday xogaha la xidhiidha nidaamka Tiknoolajiyadeed ee ay wasaaradda adeegsato, waxaanay balan qaadeen inay wasaaradda gaar ahaan waaxyaha TV-ga iyo Idaacadda ka taageerayaan sidii loogu guuri lahaa nidaamka casriga ah ee Tiknoolajiyada, isla markaasina looga baaqsan lahaa xog iyo Taariikh la lunta hababkii hore ee gaboobay.

Qolalka kaydka Cajaladaha ee Idaacadda Radiyaha Hargaysa oo ay yaalaan taariikh ka badan sideetan sano, xarunta TV-ga Qaranka iyo goobo kale oo ka mid ah xarunta wasaaradda warfaafinta ayay kormeer ku soo mareen weftigan.

Agaasimaha wasaaradda warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Mustafe Cabdi Ciise ayaa ka waramay waxyaabaha ay wasaaraddu baahiyaha u qabto ee ay masuuliyiintani kala shaqaynayaan.

Agaasimaha ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii ay uga caawin lahaayeen qaybaha keydka ee wasaaradda iyo inay tababar siiyaan shaqaalaha ka shaqeeyay, sidoo kale waxa uu xusay inay kala shaqaynayaan Tiknooljiyadda casriga ah.

Waxyaabaha kale ee ay ka kala shaqaynayaan wasaaradda ayaa uu Agaasimuhu sheegay inay ay yihiin ilaalinta amniga Internat-ka iyo xogaha wasaaradda, taasi oo baahi wayn ay wasaaradu u qabtay.

Dhankooda masuuliyiinta ka socday dalka Taiwan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay soo booqdaan wasaaradda warfaafinta isla markaasina ay wada shaqayn la yeeshaan.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com