Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Waxbarashadda Ayaa Soo Xidhay Kulan Lagu Soo Bandhigay Manhajka Waxbarashadda Dugsiyada Farsamada Gacanta (TVET)

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska mudane Axmed Abokor Maxamed ayaa soo xidhay kulan lagu soo bandhigay manhajka dugsiyada farsamada gacanta (TVET-Technical Vocational Education Training),gaar ahaan qaybta wadooyinka, korontada iyo habka loo dhaliyo tamarta soolarta. Shirkaasi oo mudo seddex maalmood ah ka socday xarunta manaahijta ee wasaaradda waxbarashadda ayaa lagu soo bandhigay habka iyo hanaanka loo soo saari karo aqoonyahan ka kooban qaybahaas aynu soo sheegnay. Intii uu socday shirkani waxa si weyn la iskula lafa-gurey manhajkan iyo sidii loo awdi lahaa wixii uu god-daloolooyin leeyahay.

Mashruucani waxa uu ka mid yahay mashruuca horumarinta cilmiga II, kaasi oo uu midawga yurub ugu deeqay Somaliland, waxaanay u soo mariyeen hay’ada Care iyo hay’ado kale oo wada shaqayn la leh Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska, Waxa mashruucan fulintiisa leh hay’ada Care iyada oo kaashanaysa wasaaradda waxbarashadda. kulamo iyo wada tashi joogto ahaa oo ay wada yeesheen wasaardda waxbarashadda iyo sayniska, hay’adaha caalamiga ah iyo wadamadda qaadhaan bixiyayaasha ah ayaa la iskula meel dhigay mashaariicdan waxbarashadda ee dhanka farsamadda gacanta, iyada oo ujeedada ka danbaysaana ahayd sidii loo heli lahaa mashaariic abuuri karta shaqooyin, isla markaana wax ka bedali karta hab-nololeedka muwaadiniinta reer Somaliland. wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska ayaa mudooyinkii u danbeeyey diiradda saaraysay sidii ay kor ugu qaadi lahayd dhanka barashadda farsamada gacanta, waxaanay wasaaradda waxbarasaddu dib u habayn iyo furitaanba ku samaysay dugsiyaddii farsamadda gacanta ee dalku hore u lahaa. Sida wasaaraddu aaminsan tahay waxbarashadda farsamadda gacantu waa qodobka ugu horeeya ee wax ka tari kara shaqo la’aanta ba’an ee ka jirta dalka jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa shirkan intii uu socday ka qayb-galay aqoon-yahano kala duwan oo ka kala socday waaxaha kala duwan ee ay leedahay wasaaradda waxbarashadu iyo koox la taliyayaal ah oo ay hay’adda Care wadanka dibadiisa uga soo kiraysay mashruucan si ay ugu soo kordhiyaan wixii aqoon iyo waayo-aragnimo ah ee ay ku soo biirin karaan si loo helo manhaj wax badan ka bedeli kara kaabayaasha nolosha ee wadanka jamhuuriyadda Somaliland. sidoo kale waxa shirkaasi ka soo qayb-galay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Halldoor Axmed Abokor Maxamed Si uu shirkaasi u soo gunaanado.

Agaasime Axmed Abokor Maxamed oo shirkaasi khudbad ka soo jeediyey ayaa ku dheeraaday muhiimadda balaadhan ee uu shirkani u leeyahay qaranka iyo waxbarashadda Somaliland, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay;  ugu horeyn waxan mahadnaq balaadhan u soo jeedinayaa dhammaan ka qayb-galayaasha iyo hawl-wadeenada ka socda hay’ada Care kuwaasi oo muujiyey mudadii seddexda cisho ahayd ee ay halkan joogeen dhabar-adayg iyo dedaal dheeraad ah. Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska waxa ka go’an sidii dalkani u heli lahaa khabiiro dhanka farsamada gacanta ah kuwaasi oo wax la taaban karo ku soo kordhin kara guud ahaan kaabayaasha bulshadda sida; wadooyin iyo biriishyo casri ah, kobcinta dhanka tamarta (dabaysha, Cadceeda IWM), sidaa darteed waxan ku dedaalaynaa sidii aanu u sii joogtayn lahayn isla markaana u soo saari lahayn hablo iyo inamo u dhashay Somaliland oo baahideena si rasmi ah uga jawaaba.

Ma doonayno oo kaliya manhaj wanaagsan oo aan siduu yahay loogu hawl-galin, laakiin waxan awooda saaraynaa sidii looga fulin lahaa isla markaana dugsiyada farsamadda gacanta looga hawl-galin lahaa. Hada waxaynu halkan ku soo bandhignay manhaj qurux badan laakiin wixii dhaliilo uu leeyahay waxay soo bixi doonaan marka dugsiyadda laga dhigo, sidaa darteed waxan hadda wixii ka danbeeya heegan u geli doonaa wixii uu dhaliilo iyo god-daloolooyin yeesho si aan u awdno insha Allah.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Ismaaciil Maxamuud Jaamac (Raage) oo ka mid ah madaxda hay’ada Care oo iyadu fulinta shirkani lahayd, waxaanu ka war bixiyey shirkani iyo mudadii ay halkani joogeen waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; walaalayaal aad baan dhammaantiin idiinku mahadnaqayaa sidii milgaha iyo sharafka lahayd ee aynu seddexdii maalmood ee aynu halkan wada joognay iskula falanqaynay mashruucan aynu ku soo bandhigayney manhajka waxbarashadda dugsiyada farsamada gacanta. Mudane agaasime intii aanu halkan joognay waxan yeelanay doodo kulul oo ku wajahan manhajkan iyo isla fahamkiisa. Way jirtay in bilawgii qaar ka mid ah ka soo qayb-galayaashu u fahmeen si qaldan magacan boodhka inoogu qoran laakiin dood dheer ka dib waxan si wanaagsan iskula fahamnay mashruucan iyo waxa uu yahay. Haddii aanu nahay hay’ada Care halkaa kaga hadhimayno manhajkan, waanu daba socon doonaa ilaa dugsiga si aan u ogaano wixii baahiyo iyo god-daloolooyin uu yeesho.

Mudane Axmed Cumar Jimcaale oo ah madaxa xafiiska hubinta tayadda ee dhanka farsamadda gacanta (TVQA-Technical Vocational Quality Assurance) ayaa isaguna khudbad kooban oo uu halkaasi ka soo jeediyey waxa kaga hadlay kaalinta xafiiskiisu kaga aadan yahay manhajkan iyo sida ay u arkaan waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; ka xafiis ahaan anagu waxan qaabilsanahay in aan hubino tayada dhanka farsamadda, haday tahay manhajka, agabka wax lagu baranayo iyo macalimiinta bixinaysaaba in ay yihiin kuwa buuxin kara shuruudihii iyo minqiyaaska aqooneed ee wasaaradda waxbarashadda u dejisey waxbarashadda farsamadda gacanta, sidaa darteed markii aan eegnay manhajkan waxa noo cadaatay in uu yahay mid wanaagsan laakiin waxan ka dhursugi doonaa marka la hawl-galiyo in uu noqdo mid sidii la rabay u shaqeeyey iyo in kale.

Waxa isaguna munaasibadaasi ka hadlay Xuseen Cilmi Warsame oo wasaaradda waxbarashadda kala taliya dhanka Waxbarashadda Farsamada Gacanta, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; runtii baahi weyn ayaan u qabnaa in aan helno aqoon-yahan inaga caawiya dhanka kaabayaasha nololsha kuwaasi oo ay ugu horeeyaan tamarta korontadda iyo dhismayaasha wadooyinka, sidaa dateed waxan madaxda wasaaradda waxbarashadda ku amaanayaa sida ay xil iskaga saareen sidii loo soo saari lahaa dhallinyaro mustaqbalka daboolka dhanka farsamadda. Ugu danbayn waxan u mahadnaqyaa hay’ada Care oo wakhti badan gelisey sidii manhajkani mid qurux badan u noqon lahaa, sidoo kale waxan u mahadnaqayaa la taliyayaashan dibada inooga yimi si ay inoogu soo kordhiyaan wixii aqoon ah ee ay ina dhaamaan.

Shirkan waxa sidoo kale ka hadlay masuul u hadlayey kooxda la taliyayaasha ah, waxaanu dardaaran balaadhan u soo jeediyey guud ahaan wasaaradda waxbarashadd iyo sayniska si uu manhajkani u noqon lahaa mid siduu yahay loo raaco oo aan laga baydhin wadadaa la jeexay.

 

Werintii: Mowlid Kibaar

Kala Xidhiidh:

telephone: 0634412857 Telesom, 0659117772 Somtel

Email: Cabqari1917@gmail.com