Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka iyo Waxbarashada ayaa maanta Tababar ku saabsan barashada Dastuurka iyo Waddaniyadda u furay Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

waxa munaasibadaasi ka hadlay agaasimayaasha Waax yaha Cudduda shaqaalaha ee Wasaarradaha Waxbarashada & Sayniska iyo Xidhiidhka Goleyaasha & Arrimaha Dastuurka Somaliland .

Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland oo Munaasibadaasi ka hadashay ayaa Shaqaale-waynaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland uga Mahadnaqday sida wanaagsan ee ay tababarka uga soo qayb galeen iyo weliba sida ay ugu diyaarsan yihiin in ay ka faa’idaystaan tababarkaas oo wax wayn ka tari doona in muwaadiniinta la gaadhsiiyo adeegyo Dawladeed oo tayadoodu Sarayso .

Dhinaca kale waxa isna madashaas ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Naakhude) oo shaqaalaha Wasaaradiisa ugu baaqay in ay ka faa’idaystaan tababarka Dastuurka iyo Waddaniyadda ee Shaqaale-waynaha Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ay u qabanayso wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha dastuurku.

Xafiiska Warbaahinta W.W&S JSL.

Bandhige@gmail.com