Alle ha u naxariistee waxa maanta geeriyooday Ismaaciil Maxamed Hurreh Buubaa

Alle ha u naxariistee waxa maanta geeriyooday Ismaaciil Maxamuud Hurreh Buubaa oo xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya, isla markaana ka tirsanaa Ururkii dib u xoraynta SNM.

Ismaaciil Hure Buubaa waxa uu Soomaaliya ka soo qabtay xilal ay ka mid yihiinRa’iisalwasaare-ku-xigeen, wasiirkii arrimaha dibeda iyo Wasiirka Maaliyada, isagoo sidoo kale noqday Wasiirkii ugu horeeyey Wasaaradda Maaliyadda Somaliland. Kadib markii uu kusoo guryo noqday Somaliland waxa uu ku biiray xisbiga mucaaridka ee Waddani.

Marxuun Buubaa waxa uu ka mid ah haldoor waxbarashada ugu sareeya dadka Somaalida taasi oo uu ka gaadhay shahaadada sare ee PhD-da.

bandhige@gmail.com