Aqalka Cad waxa uu diiday in la ciqaabo dadka guba calanka Maraykanka oo uu soo jeediyey Donald Trump

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa diiday soo jeedinta ka timid madaxweynaha la doortay ee Maraykanka ee ahayd in la ciqaabo dadka guba calanka Maraykanka.

Donald Trump ayaa talaadadii bartiisa twitter-ka soo dhigay “Cidna ma ahan in loo ogolaado in ay gubto calanka Maraykanka – Haddii sidaas ay sameeyaan waa in ay jirtaa ciqaab, sida in muwaadannimada laga qaado ama sannad xabsiga la dhigo”

Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka Josh Earnest ayaa talaadadii sheegay in dastuurka lagu ilaaliyey xuquuqda dadka Maraykanka ay u leeyihiin in ay dareenkooda ku muujiyaan si kasta oo ay doonaan. Isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Xoriyado badan oo la mid ah lana xiriira ku dhaqanka diinta, hadalka iyo saxaafadda ayaa dhammaantood lagu ilaaliyey dastuurka, waana kuwa mudan in la ilaaliyo.”

Weli ma cadda sababta Trump uu ugu baaqay in dadka guba calanka la ciqaabo.

Sannadii 1989-kii, maxkamadda sare ee Maraykanka ayaa xukuntay in calanka oo la gubo lagu ogolaaday dastuurka Maraykanka ayna qeyb ka tahay xoriyadda hadalka.

bandhige@gmail.com