Aqalka Sare ee Baarlamaanka Maraykanku waxa uu ishor-istaagay qorsheyaal lagu xakamaynayo isticmaalka hubka , qorsheyaasa ayaa waxa ka mid kala iibsiga hubka gaar ahaan dadka ku jira liiska argagaxisada iyo kuwa looga shakisan yahayba.
Afar qorshe ayaa la hor keenay aqalka Senate-ka kaddib markii 49 ruux lagu dilay weerar ka dhacay baar ay isku yimaadaan khaniisiintu oo ku yaala Florida.
Laakiin xubnaha aqalka ayaa u kala codeeyay sidii ay qorsheyaashaas u kala wateen xisbiyada ay ka kala tirsan yihiin ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga.
Xildhibaanada ayaana qolo kaste ka soo horjeedsadeen qorshihii uu watay xisbiga kale.
Xubnuhu waxay aad isugu khilaafeen sidii looga hor tagi lahaa in weeraro kale ay dhacaan mustaqbalka.
John Cornyn oo ka tirsan Jamhuuriya oo ka hadlay arrintan ayaa waxa uu yidhi:
โsaaxiibadii ay doonayaan xakamaynta hubka meeshii ay ka ahayd in waxa la qabanayo ay noqoto in la cidhib tiro Islaamiyiinta xag jirka ah taas oo ah waxa ay salka ku hayso wixii ka dhacay Orlando. Wuxuu intaas ku daray in saaxiibadii ay doonayaan in ay calaamadaha xanuunka lagu garto dawaynayaan badalkii ay xanuunka lafiirtiisa dawayn lahaayeen.โ
Barbara Mikulski oo xisbiga Dimuqraadiga ka tirsan ayaa tidhi:
โMaxay tahay sababta aan baadhitaanno ammaan oo badaan u marno marka aan diyaaradaha raacayno haddana aynaan wax baadhitaanno ah u marinaynin dadka kujira liiska dadka argagixisada looga shakisan yahay.โ