Aragtida adduunku ka qabo Maraykanka ayaa aad isu bedeshay kadib markii uu Trump Madaxweyne ka noqday

 

Madaxweynenimada Donald Trump ayaa waxay saamayn wayn ku yeelatay sida uu adduunku u arko dalka Maraykanka, sidaasan waxa lagu sheegay daraasad laga sameeyay.

Daraasaddan waxa sameeyay xarunta cilmibaadhista ee Pew Research Center oo waraysi la yeelatay sannadkan in ka badan 40,000 oo ruux oo ku kala nool 37 dal.

Waxay ku soo gabogabaysay in siyaasaddaha madaxweynuhu ayna shacbiyad badan ku lahayn dunida.

Sahankan laga sameeyay 37 dal labo dal oo kali ah ayaa argti fiican ka qaba Trump marka loo eego middii ay ka haysteen madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama. Labadaas dal ayaa kala ah Israa’iil iyo Ruushka.

Laakiin warbixintan waxay bidhaaminaysaa in inbadan oo dadkaas ka mid ah ay dareensan yihiin in uusan wax isbadal ah ku imanaynin sannadaha soo socda calaaqaadka ay dalalkoodu la leeyihiin Maraykanka.

Waxyaabaha ugu doorka roon ee ka soo baxay sahankan la qaaday intii u dhaxayasay 16 Feewari ilaa 8 May waxaa ka mid ah:

Kalsoonida ay dadku ka qabaan Trump way ka yartay tii Obama

Sahankan ayaa dadka lagu sameeyay markii uu Obama dhamaystay siddeeddii sanno ee uu xilka hayay, iyadoo Trump-na uu markaas uun xilka la wareegay – waxa dadka la waydiiyay in ay kalsooni ku qabaan in madaxeynuhu uu si wanaagsan u maarayn doono arrimaha caalamka.

Waatan jawaabihii ay bixiyeen xulafada Maraykanka iyo Ruushka:

Trump ayay wakhti yar ku qaadatay in uu sunto arrimaha caalamka – wuxuuna si cad u sheegay in dalalka ku jira Gaashaan Buurta Nato ay bixitaan saami caddaaladda waafaqsan, isaga oo ula jeeda in ay dhaqaale dheeri ah bixiyaan, sidoo kalena todobaadyadii dhawaa wuxuu dhiirigaliyay in dalalka Khaliijku ay go’doomiyaan dalka Qadar.

Madaxweynenimadiisu waxay ruxday saaxiibbadii hore ee Jarmalka.

Waxa ka mid ahayd markii hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ay sheegtay in Yurub aysan si buuxda ugu tiirsanaan karin saaxiibkeedii hore, iyada oo hadalkaas sheegtay markii ay kulan la qaadatay Trump.

Xaqiiqadu waxay tahay in dalalka ay kalsoonida ugu badan ka yaaraatay ay yihiin xulafadii soo jireenka ahaa ee Maraykanku lahaa, sida ay muujinayso daraasaddani 86% dadka Jarmalku waxay kalsooni ku qabeen Obama halka tusaale ahaan ay 11% boqolkiiba ay kalsooni ka qabaan Trump.

Xayiraaddii socdaalku waxay wax u dhintay sawirkii Maraykanka

Daraasaddan ayaa la baahiyay saacado uun ka dib markii maxkamadda sare ee Maraykanku ay qayb ahaan fasaxday xayiraadihii socdaalka ee madaxweyne Trump uu saaray dadka ka imanaya lix dal oo Muslimiintu aqlabiyad yihiin.

Xayiraaddaas ayaana shacbiyad ku lahayn 62% dadkii wax laga waydiiyay ee ku sugnaa 37-ka dal.

Saddex dal oo kali ah ayayna aqlabiyadda dadkoodu taageereen go’aankaas kuwaas oo kala ah Israa’iil, Hungary iyo Ruushka.

Waxaas oo dhanse midkoodna dan lagama laha

Dadka daraasadan lagu sameeyay oo gaadhaya 40,447 oo xarrunta cilmibaadhista ee Pew su’aalo waydiisay ayay jawaabahoodu sidaas u dhadhameen.

Dadka ayaa laga yaabaa in ay ka walaacsan yihiin waxa Trump uu uga dhigan yahay dalkooda, badankooduna waxa laga yaabaa in ay u arkaan nin qalafsan oo halis ah, laakiin aysan taasi ka dhignayn in ay u malaynayaan in madaxwenenimadiisu ay saamayn ku yeelan doonto.

Inkastoo 15% oo kali ah ay qabaan in calaaqaadku uu hagaagi doono, haddana waxa jira dalal rajo wayn qaba gaar ahaan kuwo qaaradda Afrika ku yaalla, 54% dadka Nigeria iyo 51% ka mid ah dadka Ghana waxay u arkaan in calaaqaadku uu hagaagi doono.

Marka la eego dadka Ruushkana 53% waxay qabaan in xaaladda adduunku ay hagaagi doonto inta uu Aqalka Cad ka talinayo Trump, sida ay daraasaddani muujinayso.

bandhige@gmail.com