Ardayda Dugsiga Sare ee Sul. Maxamed Sul. Faarax waxay baaq u direen Madaxweyne Siilaanyo

 

Ardayda Dugsiga Sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ee magaalada Hargeysa ayaa baaq codsi ah u diray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”.

Dugsiga Sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku yaalla meel masaafo dhan 8KM u jirta caasimadda Hargeysa ayaa waxay ardaydiisu Madaxweynaha ka codsadeen in uu dugsiga ugu deeqo basas ardayda gaadhsiiya dugsiga.

Ardaydu waxay Madaxweynaha ku bogaadiyeen aasaaska iyo dhismaha dugsiga oo ay sheegeen inuu ka mid yahay waxqabadka dhaxalgalka ah ee Madaxweynaha, iyaga oo xusay in iibinta basasku ay noqon doonto waxqabadka ugu mudan ee ay ku xusuusan doonaan Madaxweynaha.

“Dugsigani waxa uu magaalada Hargeysa u jiraa 8KM, waxaannu nahay arday maxaysato ah oo aan waxba haysan oo dhigta dugsi dawli ah, basas ma haysanno, basaska aannu raacnaa waa kuwo kiro ah oo lacag ah oo bil kasta maamulka dugsiga iyo dadka dugsiga taageeraa ka werweraan. Mudane Madaxweyne, annaga oo kaaga mahadnaqayna halgannadii kala duwanaa ee aad dalka u soo gashay, waxaannu kaa codsanaynaa inaad afar bas noo iibisid,” ayuu yidhi Jamaal Ibraahin Kayse oo ka mid ah ardayda Dugsiga Sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta dugsiga.

Samiira Axmed Xuseen oo ardayda ka mid ah ayaa iyaduna ka baaq kaa la mid ah u jeedisay Madaxweynaha qaranka Md. Siilaanyo. “Mudane Madaxweyne, muddadii aad talada dalka haysay wax badan baad qabatay. Dhismaha Dugsiga Sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa uu ka mid yahay Waxqabadyadaada qiimaha leh. Mudane Madaxweyne, waxa ku hor taalla warqad ay Salaaddiinta Somaliland kuu soo qoreen oo ay kaaga codsanayaan inaad dugsiga u iibiso basas ardayda qaada. Mudane Madaxweyne waxaannu kaa codsanaynaa inaad basaskaas noogu deeqdo oo aad saxeexa ku duugto” ayay tidhi Samiira Axmed Xuseen.

Si kasta ba ha ahaatee, waxay noqon doontaa tallaabo saamayn togan ku leh quluubta ardaydan danyarta ah haddii Madaxweyne Siilaanyo muddada kooban ee talada dalka uga hadhay ka jawaabo codsiga ardayda iyo madax-dhaqameedka deegaanka, isla markaasna uu basas u iibiyo Dugsiga Sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com