Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.24aad

 

Laylatul-Qadriga

Alle SWT bilaha iyo maalmuhu u kala qiimaysan, maalin waxa ugu qiimo badan maalinta banka Carrafaad la taagan yahay. Waxa ay qiimahaa ku yeellatay waa waxqabadka maalintaa la samaynayo. Sida oo kale habeen Alle SWT abuuray waxa ugu weynnayn badan habeen aan si sax ah loo sheegin habeenka u ku dhaco se habeen is gedgediya ah. Oo si halxidhalaysan loo baadhayo, waa habeenka la barakeeyey ‘laylatul qadri’. Waa habeen ka fadli badan saddex iyo siddeetan sannadood iyo waliba bilo sida Alle SWT sheegay:

“Habeenka la waynneeyey ‘qadrigu’ waa habeen ka khayr badan kun bilood.”

Habeenkan waynnidiisa waxa ka mid ah inuu yahay habeenkii la soo dejiyey Quraanka:

“Waxa aannu soo dejinay ‘Quraanka’ habeen la wayneeyo.”

Mar kale Alle SWT isaga oo si faahfaahsan uga hadlaya wuxu yidhi:

“Annaga ayaa soo dejinnay habeen la waynneeyey ‘Quraanka’, maxaad ka taqaan habeenka la wayneyey? Waa habeen ka khayr badan kun bilood, waxa soo daadaga malaa’igta iyo Malagga ruuxda ‘Jibriil’, ogolaanshaha Rabbigood, waana habeen nabdoon illaa waagu ka baryayo.”

Rasuulku CSW wuxu doonayey habeenkani habeenka u dhaco inu Saxaabada u sheego, se waxa dhacday in laba saxaabi oo murmay darteed Rasuulki CSW la ilawsiiyey habeenku habeenka uu ahaa,

“Waxa se laga yaaba inay sidaasi idin khayr badan tahay.”

Rasuulku CSW wuxuu hadalkaa u lahaa inaynu ka baadhbaadhno habeenada laynoo asteeyey midkood in uu yahay:

“Ka daydaya habeennada kala dhiman, kow iyo labaatanka, saddex iyo labaatanka, shan iyo labaatanka, toddoba iyo labaatanka iyo sagaal iyo labaatanka.”

Sidaa ajligeed habeen uun aduu astaysan maysid, se habeenku waa habeen guur guura ee habeennada kala dhiman ba iska xil saar in aad ka baadhbaadho.

Habeenkan waxa lagu wayneeya waa salaad badan, duco badan iyo xuska Alle SWT oo la badiyo:

“Qofka kaca habeenka laylatul-qadriga, ee u kiciyo iimaan iyo Alle ka cabsi, waxa la dhaafa dambigiisi hore iyo kiisi dambe ba.”

Sida oo kale habeenka waxa lagu gartaa cirku inaanu daruur lahayn, jawiguna meel dhexaad yahay qabow iyo kulayl aan midna hayn, habeen ahaanna uu yahay mid nabdoon. Hase ahaate laguma garto ey baa ciyey, iyo dameer baa dinnaahiyey.

Hoos ka akhri qaybihii hore:

Axkaamta Ramadaanta, Q.1aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.2aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.3aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.4aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.5aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.6aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.7aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.8aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.9aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.10aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.11aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.12aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.14aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.15aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.16aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.17aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.18aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.19aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.20aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.21aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.22aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.23aad

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com