Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.5aad

Faa’idooyinka timirta (2)
Ka hor-tagidda cudurro badan: Waxa hubaal ah in timirtu ka hortagto cudurro badan qaar kalena daweyso. Tusaale ahaa, timirtu waxay baabiisaa dhagaxaanka kalyaha geli raba; waxay ka hortagtaa madax wareerka; waxay ay hortag weyn u tahay kansarka; waxay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushaa sidii ay meesha uga saari lahayd xaasaasiyadda; waxay horumar baaxad weyn ka muujisaa isku buuqa ku dhaca gaalada yadoo u horseeda daganaan ku meel gaadh ah; waayo Iimaankii weynaa ayaaba ka maqan marka horeba.

Cunidda timirtu waxay faa’ido togan oo taam ah u leedahay odayaasha. Waxay si deg-deg ah u daajisaa muruqyadooda, yadoo sahasha in si fudud muruqyadoodu u kala baxaan; isuguna soo ururaan. ( Muscle relaxation and contraction). Firfircooni xad-dhaaf ah ayuu dareemaa gadh-caska guri jooga ah; talo laga sugeenka ah.

Faa’idada koritaanka caruurta ay u leedahay timirtu: Koritaan deg-deg ah ayay bilaabaan caruurta cunta timirta. Faytamiin A da ku jirtaa wuxuu dardar galiyaa aragga caruurta. Waxa ay timirtu muhiim u tahay sidoo kale hooyada kolka ay leedahay uurka. Timirtu muddadan waxay hoos u dhigtaa werwerka, walaaca iyo walbahaarka soo waajaha hooyada. Kolkay umusho laftigeeda kama maaranto hooyadu.

Afurinta qof sooman ajar ma leedahay?
Inaad afuriso qof sooman oo aad cabbitaan iyo cunto siiso waxa ku jira abaal marin aad iyo aad u weyn, waana arrin Rasuulku CSW dadka ku booriyey kuna dhiiri galiyey.

Rasuulka CSW waxa ka sugan inuu yidhi, “Qofka afuriya qof sooman wuxuu leeyahay ajarkiisa iyo ajarka qofkuu afuriyey.” Culimadu way ka hadleen oo waxay yidhaadhdeen ajarka qofka sooman ee la afuriyey laga qaadi maaye ajar kaas oo kale ayaa la siinaya kan wax afuriyey. Sidaa darteed waa mihim in haddii awood loo leeyahay lagu dedaalo in la afuriyo dadka aan waxba haysan, qofka la afuriyeyna farxad ayey u tahay ka wax afuriyeyna ajar wayn ayaa ugu sugan.

Ma soomayaan haweenayda uurka leh iyo midda ilmaha yar jaqsiinaysaa?
Haweenayda uurka leh iyo ta ilmaha jaqsiinaysaa cafimaad ahaan ayaa loo yidhi hayska cunaan, waxa loo danaynayaa ilmaha uurka ku jiraa ama ilmaha ay jaqsiinayso ama iyada qudheeda oo laga ilaalinayo caafimaad ahaan inay is dhinto.

Sida daraadeed ayaa la yidhi yaanay soomin ee hayska cunaan, se waxa u furan laba mid; inay soo qallayso intii ka tagtay ee Ramadaan ah, waana ta ugu wanaagsan ee ay waajibka isaga ridayso, taasanay culimo badani ku tagsan yihiin oo ay leeyihiin waa waajib. Mar kale, culimada qaar waxay yidhaahdaan haddii aanay karayn inay soo qallayso dad bay afurin kartaa ama sadaqo ayey bixinaysaa sida qofkii gabowggu hayey iyo kii xanuunsanayey oo kale, mid se ogow waxa ka xoog badan in la soo qalleeyo.

Hoos ka akhri qaybihii hore:

Axkaamta Ramadaanta, Q.1aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.2aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.3aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.4aad

 

 

Lasoco qaybaha dambe. Wixii su’aalo ah waxad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cinwaannada hoose:

Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com