Waxa ka bilowday gobolka Kentucky ee dalka Maraykanka munaasibadda loogu ducayno aaska feeryahanka caanka ah ee Muxamed Cali, oo geeriyooday todobaadkii hore, isagoo 74 jir ah.
Kumanaan qof oo ay ku jiraan Muslimiin adduunka oo dhan isaga timid, ayaa ka qaybgalaya xaflad duco ah oo ka dhacaysa hoolka xornimada ee magaalada uu ku dhashay Muxamed Cali ee Louisville.
Munaasabadda ayaa toos loo sii daynayay, iyadoo Muslimiin badan ay rajaynayaan in uu aaska Muxamed Cali muujin doono doorka uu dhinaca wadaaga uu Islaamku ku leeyahay nolosha Maraykanka.
Imaamka magaalada California, Imam Zaid Shakir ayaa hoggaaminaya ducada.
Wuxuu dhinac taagnaa Muxamed Cali markii uu geeriyooday.
Hoolka xornimada ee magaaladiisa, ayaa ahaa goob uu ka dhacay tartankiisii feerka ee ugu dambeeyay.
Beri oo Jimce ah ayaa aaska Muxamed Cali uu dhacayaa.