Axkaamta Xajka Q.3aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub)

 

Shuruudaha Xajka

Shuruudaha Waajibiya Xajka:-

  • In uu qofku Islaam yahay
  • In uu qaangaadh yahay
  • In uu dhan yahay maskax ahaan
  • In uu xor yahay
  • In uu sahaydi u ku bixi laha haysto
  • In uu wuxu raaci lahana haysto
  • In uu wadada maraya ay amaan tahay
  • In uu wakhti uu ku tegi karaa hadhay
  • Haweenaydu in ay hesho muxram kaxeeya 

Arkaanta Xajka waxa ka mid ah:-

  • In uu Xajka xidho
  • In uu buurta Carafa istaago
  • In uu kacbada dawaafo toddoba jeer
  • Orodka Safa iyo Marwa toddoba jeer
  • Timaha oo la xiiro ama la gabsado

Fiiro Gaar ah (Arkaanta cumrada waxa ka mid ah in uu cimro xidho, dawaafna la yimaaddo, orodka Safa iyo Marwa, iyo in u timaha xiirto ama gaabsado.) 

Waajibyada Xajka:-

  • in aad ka xidhato miiqaatkii lagu talagalay (Iminka qofka ka imanaya dibadda magaalada Maka waa kii Rasuulku CSW lahaa; qofka ka imanaya Maddiina ha ka soo xidho Xajka Dul-xulayfa, oo iminka loo yaqaan Abaar-Cali. Qofka ka imanaya Shaam oo ah dalalka dhaca galbeedka gacanka sida Ciraaq, Siiriya, Falastiin iyo dalal kale ha ka soo xidho Xujfa. Qofka ka imanaya Najd oo ah dalalka gacanka hadda loo yaqaan ha ka soo xidho Qarnul-manaasiil. Yaman qofka ka imanayaa ha ka soo xidho Yalamlam.)
  • saddeexda buurood ee Jamalu-suqra, Wusda iyo Cuqba in qofku dhagaxaan ku tuuro saddeex cisho, Musdalifana habeen.
  • In aad ku barido Mina

Halkan hoose ka akhriso qaybtii koowaad:

Axkaamta Xajka Q.1aad

Axkaamta Xajka Q.2aad

Talo iyo tusaalaba waa xaggiina

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan-rakuub

Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Tell: Telesom: 063 440 85 03. Somtel: 97 08 515

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Rakuub.wordpress.com