Axmedyaasiin Muxumed Cadde oo xaflad la isku arkay ku shaaciyey in uu yahay musharax u taagan Golaha Wakiillada

Axmedyaasiin Muxumed Cadde oo ah aqoonyahan caan ah ka soo jeeda gobolka Gabiley ayaa shalay madal si weyn loo camiray oo ay ka qaybgaleen labeenta qaybaha kala duwan ee bulshada Gabiley kaga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan Golaha Wakiilada, kana sharaxan gobolka Maroodijeex.

Axmedyaasiin oo khudbad mug leh ka jeediyey xafladda oo ka qabsoontay Gabiley ayaa sheegay in uu rabo in uu noqdo tusaale ay ku daydaan jiilka cusub, isla markaana uu noqon doono xildhibaan si dhab ah u metela gobolka una dooda xuquuqaha bulshada gobolka Gabiley iyo guud ahaanba Maroodijeex.

“Xikmad baa tidhaa haddii aad ka maqnaato miiska wax lagu cunayo, waxad ka mid noqon doontaa cuntada la cunayo” ayuu yidhi Axmedyaasiin isaga oo uga jeeda in haddii ay Gabiley waydo xildhibaano aqoon iyo waayo’aragnimo leh oo metela ay waayi doonto xuquuqaheeda.

Axmedyaasiin wuxu sheegay in uu ka filayo dhammaan bulshoweynta gobolka Gabiley in ay u codeeyaan oo kalsoonidooda ay siiyaan.

Waxa iyaguna goobtaas ka hadlay aqoonyahan, dhallinyaro, odayaal, haween iyo xubno ka tirsan Golaha Deegaanka ee Gabiley, kuwaas oo dhammaantood ballan qaaday taageero buuxda oo ay la barbar istaagayaan musharax Axmedyaasiin. Sidoo kale waxay bulshada Gobolka Gabiley ugu baaqeen in ay taageero iyo codba la barbar joogsadaan musharaxan aqoonyahanka ah oo si weyn uga dhex muuqda arrimaha horumarinta bulshada ee gobolka Gabiley iyo guud ahaanba Somaliland.

Sidoo kale aqooyahankii xafladda ka hadlay waxay sheegeen in ay rajaynayaan in doorashada Golaha Wakiillada iyo ta Goleyaasha Deegaankuba ay noqdaan garoon ay u siman yihiin musharaxiintu isla markaana aan loo xidhin cid gaar ah, si loo helo tartan dimuqraaddi ah oo qurux badan bulshadana u soo saari kara xildhibaano tayo leh.

Waxaa toddobaadii u dambeeyey ka socda Somaliland xaflado iyo munaasibado ay musharaxiintu ku soo bandhigayaan hankooda ka mid noqoshada goleyaasha wakiillada iyo deegaanka iyadoo la filayo in doorashadu qabsoonto ugu horrayn bisha 5aad ee sannadka soo socda.

Kala soco Bandhige arrimaha doorashooyinka Somaliland. Kala soo xidhiidh Bandhige@gmail.com