Ayatullah Cali Khamani wuxu eedeyn u soo jeediyey Sucuudiga

 

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Eeraan, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa dagaal qadhaadh oo dhanka afka ah ku ku qaaday dalka Sacuudi Carabiya oo loolan siyaasadeed kala dhexeeyo dalkiisa.

Ayatollah Cali Khamenei oo ka hadlayay isu soo bax lagu soo dhoweynayay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa dawladda Sacuudiga ku eedeeyay in ay tahay mid xun oo jaahil ah isla markaana diidday in ay ku dhaqanto Qur`aanka Kariimka.

Wuxuu xusay in hoggaamiyeyaasha Sacuudigu siduu ku sheegay ay yihiin kuwo sida lo`da oo kale uu isaga maalo Mareykanka.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa dhowaan aqbashay in ay Maraykanka ka iibsadaan hub qiimihiisu yahay in ka badan boqol bilyan oo doolar.

Maraykanka ayaa u arka Sacuudiga in uu yahay saaxiib dhow oo kala shaqeynaya la dagaallanka in saameynta Eeraan ay ku baahdo Bariga Dhexe.

bandhige@gmail.com