Baahida biyaha ay dadkayga qabaan darteed ayaan fasalka ugu laabtay

Ibraahim Cali Xaaji waxa uu ka mid yahay Soomaalida Maraykanka ku nool ee halkaa ka wax ka bartay. Culuunta tiknoolajiyadda ayuu bartay oo muddana ku shaqeysanayay. Ka dib waxa uu arkay dhibaatada dalkiisa Soomaaliya ka haysata dhanka biyaha.

Waxa uuna sanadkii 2015-kii isaga iyo axaab kale aasaaseen hay’ad samafal oo uu ugu magac daray Help Life Foundation taas oo ku guulaysatay inay ceel biyood ka qoddo Soomaaliya gaar ahaana magaalo lagu magacaabo Masagan oo ku taalla gobolka sanaag,waxa ayna kharash badan ku bixyeen sahminta iyo qodista ceelkaasi oo ay qodeen khuburo laga keenay magaalada Nairobi.

Weriye Siyaad Saciid Saalax oo Minneapolis kula kulmay Ibraahim ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay qof ku taqasusay aqoonta biyo soo saarista, sahminta iyo nadiifinta.

Ibraahim ayaa markii dambe go’aansaday inuu barto cilmiga biyaha iyo samaynta ceelasha, waxaana uu dib ugu laabtay waxbarashada isagoo hadda culuuntaasi ka dhigta jaamacadda Michigan.

”Waxaan bartay Culuunta tiknoolajiyadda oo aan ku shaqeeysanayay balse waxaan go’aan ku gaaray in aan aan barto soo saarista biyaha kadib markii aan arkay baahida ay dadkayga u qabaan biyaha” ayuu yiri Ibraahim Cali Xaaji.

Ibraahim ayaa sheegay in Soomaalida boqolkiiba lixdan ay yihiin dad reer guura ah loona bahanyahy in laga fakaro sidii ay uga badbaadi lahaayeen abaaraha soo noq-noqday oo ceelal loo helo.

”Dadkeena ma haystaan biyo nadiif ah oo ay cabaan marka waxaa loo baahanyahay in ay biyo helaan oo ceelal loo qodo si ay beeraha u qotaan oo ay xoolohoodana u waraabsadan”, ayuu yiri Ibraahim.

Ibraahim ayaa dhalinta Soomaaliyeed ku booriyay in ay bartaan cilmiga biyaha, kaas oo dalka aad looga baahi qabo.

Xigasho:- Bbc Somali

Bandhige@gmail.com