Baakistaan: Nin Facebook-ga ku aflagaadeeyay Nebi Maxamed(CSW) ayaa lagu xukumay dil toogasho

 

Maxkamad ku taala dalka Baakistaan ayaa dil ku xukuntay nin u dhashay dalkaasi oo lagu eedeyay in bartiisa Facebook-ga uu ku qoray waxyaabo ka dhan ah diinta Islaamka.

Ninkan oo lagu magacaabo Taimoor Raza ayaa aflagaadeeyay xaasaskii Nabi Maxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaate iyo Asxaabtiisii. Dacwad soo oogaha dalka Baakistaan ayaa sheegay in uu rumesan yahay in tani ay tahay markii ugu horeysay xukun dil ah lagu rido kiis ka dhaca baraha bulshada.

Ra’iisal wasaaraha Baakistaan Nawaz Sharif ayaa isna ku tilmaamay waxyaaba ka dhanka ah diinta in ay yihiin dembi aan la isku cudur daarin Karin.

Hase ahaate, kooxhaa u dooda xuquuqul insaanka ayaa walaac ka muujiyay xukunkaan dilka ah, waxaana arrintani ilaa iyo hadda aanan ka hadlin Shirkada Facebook-ga.

Shirakda Facebook-ga ayaa bishii Maaraj ee sannadkan sheegtay in dalka Baakistaan ay u direyso khubaro, si loo wajaho walaaca dawladda Baakistaan ee la xidhiidha  waxyaabaha ka dhanka ah diinta Islaamka ee lagu daabaco baraha bulshada.

Balse shirkaddu waxay intaasi ku dartay in ay ilaalineyso xuquuqda iyo waxyaabaha u gaarka ah macaamiisheeda.

bandhige@gmail.com