“Baanka Adduunku wuxu na siinayaa 1 bilyan oo Dollar, waxa u sabab ah isbeddelada aan wadno” Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya

Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo qaybta shirkiisii Jaraa’id ee ugu horreeyey laga soo bilaabo wakhtigii bishii 4aad markii uu xilka la wareegay ayaa shaaciyey in Baanka Adduunku siinayo 1 bilyan oo Doollar oo toos loogu kaabayo miisaaniyadda dalkaas.

Lacagtan ayaa la sheegay in ay Itoobiya soo gaadhayso isla bilahan soo socda.

Abiy wuxu sheegay in lacagta loogu deeqay ay sabab u tahay isbeddelada uu dalka ka wado oo uu ku sheegay kuwa dunidu ku ammaantay Itoobiya.

Abiy wuxu sheegay in kabka miisaaniyadda ee dunidu siin jirtay Itoobiya la joojiyey 2005tii kadib markii ay dad badani ku dhinteen mudaharaadyo ka dhacay Addis Ababa doorashadii madaxnimada kadib.

Abiy ayaa sidoo kale xisbiga EPRD ee uu hoggaamiyo u sheegay in ay u diyaargaroobaan tartan xalaal ah oo aan haba yaraatee madmadow lahayn, wuxuuna sheegay in uu diyaar u yahay in uu xilka wareejiyo haddii laga helo doorashada soo socota ee la filayo in ay qabsoonto 2020.

Abiy Axmed ayaa muddadii 4ta bilood ahayd ee uu xilka hayey ku tallaabsaday isbeddelo waaweyn oo ay ka mid tahay in uu soo gunaanaday dagaalkii u dhaxeeyey Ereteriya iyo Itoobiya oo la isku hor fadhiyey muddo 20 sanno ah.

Bandhige@gmail.com