Baaq ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland u dirayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Mudane Madaxweyne,

Sida aad ka warqabtid, Haweenka Somaliland waxa ay kaalin muhiim ah kaga jiraan dhismahaย dhaqan, dhaqaale, siyaasadeed iyo Bulshaba ee Jamhuuriyadda Somaliland, Haweenku waaย rukunka ugu wayn ee geeddi socodka Dimuqraadiyadda iyo hanaanka doorashooyinkaย Somaliland, iyaga oo ah codbixiyayaasha ugu badan ee doorashooyinka Somaliland, hase ahaatee,ย haweenku marnaba kama helin saamigii ay mudnaayeen xukuumadihii kala dambeeyay eeย Somaliland.

Wakhtigii lagu jiray ololaha doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxa Xisbiga Kulmiye ballanย qaaday in haddii Xisbigu marlabaad talada dalka ku guulaysto uu xukuumaddiisa ka siin doonoย 30% Haweenka Somaliland.

Sidoo kale, Mudane Madaxweyne waxa aad taariikhdu markay ahayd 28/12/2015 saxeexdayย warqad ballanqaad (Committment Letter) oo sumaddeedu tahay XK/XGX/00421/52/2015 oo aadย ku caddeynayso in 30% Xukuumadaada aad ka siin doono Haweenka Somaliland.

Mudane Madaxweyne markii aad talada dalka ku guulaysatay, waxa ay markale Dalladda
Haweenka ee NAGAAD kuu soo gudbiyeen warqad rasmi ah oo ku taariikhaysan 3/12/2017
Warqaddaa Haweenka Somaliland waxa ay kugu xusuusinayeen ballanqaadkii aad samaysayย wakhtigii ololaha doorashada.

Iyada oo intaas oo ballan qaad ahรญ jirtay, haddana, Mudane, Madaxweyne Golahaagii wasiirada eeย aad ku dhawaaqday bishii December 14, 2017, waxa aad haweenka Somaliland ka siisay labaย wasiir iyo hal wasiir ku xigeen oo kaliya.

Ka dib markii aad soo saartay liiska Golahaaga Wasiirada, Mudane madaxweyne, Ururada
Bulshada rayidka ah ee Somaliland waxa ay 15 January 2018 kulan ay kuugu yimaadeen
Madaxtooyada kaaga codsadeen in aad kaalintooda ka siiso haweenka Somaliland.

Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Qaranka ee aad magacaabi doonto. Nasiib darro, Mudaneย Madaxweyne waxa aad magacowday 24 Agaasime guud oo aanay wax haween ah ku jirin.

Intaa wixii ka dambeeyay, Mudane Madaxweyne waxa aad soo saartay digreetooyin madaxweyneย oo aad ku magacowday masuuliyiin hayโ€™ado kala duwan sida Guddoomiyayaasha Gobolada, laย taliyayaal Madaxweyne, iyo Guddoomiyayaasha/ Agaasimayaasha hayโ€™adaha madaxa banaan eeย dawliga ah oo dhamaantood aanay haweenku xaqqoodii ay mudnaayeen ka helin.

Ugu dambayn, taariikhdu markay ahayd 16 bisha October, waxa aad Mudane Madaxweyne sooย saartay digreeto Madaxweyne oo aad ku magacowday 19 Xil oo aanay haba-yaraatee wax haweenย ahรญ ku jirin.

Sidaa awgeed, Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay ka niyad jabsanyihiin sida ayย Haweenka uga maqanyihiin Xukuumaddaada.

Haddaba, Mudane Madaxweyne, Ururada Bulshada Rayidka ahรญ waxa ay mar kale kuugu
baaqayaan in aad Haweenka ka siiso kaalinta ay xaqqa u leeyihiin Xukuumaddaada, adiga ooย fulinaya ballanqaadyadii kala dambeeyay ee aad samaysay.

Anwar Abdirahman Warsame
Guddoomiyaha SONSAF