Baarlamaanka Midowga Yurub waxay ka arrinsanayaan ka bixitaanka Britain ee Midowgaas

 

Xubnaha baarlamaanka Midowga Yurub ayaa maanta gelinka dambe waxa ay magaalada Strasbourg ugu codayn doonaan mooshin liddi ku ah qaabka ay UK u waddo wadaxaajoodka ay uga baxayso Midowga Yurub.

Sidoo kale Madaxweynaha Golaha Yurub, Jean-Claude Juncker, iyo guddoomiyahiisa wadaxaajoodka, Michel Barnier, ayaa xubnaha xog ka siin doona horumarka ilaa iyo hadda laga gaadhay wadahallada.

Mooshinkan horyaal baarlamaanka Midowga Yurub ayaa waxa uu ka kooban yahay liis dheer oo ay ku qoran yihiin dhaleecayn ku aaddan mowqifka Britain ee ku aaddan waxyaabaha ay ka midka yihiin xuquuqda la siinayo muwaadiniinta Midowga Yurub ee ku sii nagaanaya UK, iyo habdhaqanka dowladda ee arrimaha dhaqaalaha, taas oo curyaamisay hannaanka Britain ay uga baxayso Midowga Yurub, sida lagu sheegay qaraar qabya ah.

Mooshinku waxa uu ugu baaqayaa UK in xilligan kala guurka ah ay ku toosnaato shuruucda Midowga Yurub looga baxo.

Hoggaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa la waydiisan doonaa in ay dib u dhigaan go’aankooda ku aaddan in la furo wadahallada dhanka ganacsiga iyo xidhiidhka mustaqbalka, illaa laga gaadho heshiis weyn.

Afhayeen u hadlay waaxda ka bixitaanka Midowga Yurub ayaa sheegay in la diyaariyay qoraalka mooshinka ka hor inta aanan la soo gebagabayn wareeggii ugu dambeeya ee wadahallada.

Codeynta maanta ayaa waxa ay fursad u tahay in ay dajiso xiisadda siyaasadeed, haseyeeshee xal buuxo ma keenayso, sababtoo ah xildhibaanada Midowga Yurub oo kaliya ayaa gaadhi kara go’aanka ugu dambeeya ee heshiiska Britain ay uga baxayso Midowga Yurub

bandhige@gmail.com