Baasaboorka Japan ayaa noqday baasaboorka dunida ugu awoodda badan sannadkan 2021, halka baasaboorka Afghanistan uu noqday baasaboorka ugu liita dunida. Baasaboorka Soomaaliya ayaa isaguna noqday baasaboorka shanaad ee ugu itaalka daran dunida iyadoo ay ka liitaan oo kali ah baasaboorrada waddamada Suuriya, Baakistaan, Ciraaq iyo Afgaanistaan. Sidaa waxa maanta baahiyey telefishanka CNN.
Baasaboorrada dunida ugu liitana waxay noqdeen sidan, innaga oo usoo kala horraysiinayna sida ay isku dhaamaan:
Koonfurta kuuriya (waxa lagu tagaa 39 dal),
Libya iyo Nepal (waxa lagu tagaa 38 dal)
Falastiin (waxa lagu tagaa 37 dal)
Somalia iyo Yemen (waxa lagu tagaa 33 dal)
Pakistan (waxa lagu tagaa 32 dal)
Syria (waxa lagu tagaa 29 dal)
Iraq (waxa lagu tagaa 28 dal)
Afghanistan (waxa lagu tagaa 26 dal)