Xisbiga Waddani oo shalay hambalyeeyey doorashada Baashe Maxamed Faarax ayaa xalay sheegay in tirintii codadka la is weydaarshay

 

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiiladda ayaa loo doortay Baashe Maxamed faarax. Islamarkaanna wuxuu hal cod kaga guulaysatay Cabdiraxmaan Talyaanle.

Loolankan ayay labadda tartame kala heleen cod dhan 38 uu helay Cabdiraxmaan Talyaanle iyo Gudoomiyaha cusub oo helay 39 cod.

Cabdiraxmaan Talyanle iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka ahna Guddoomiyaha iyo Musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaaahi “Cirro” ayaa hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub, balse war xalay ay soo direen xisbiga Waddani ayaa waxa uu Cabdiraxmaan Talyanle sheegay in uu yahay Guddoomiyaha xaqa ah ee Golaha wakiiladda oo uu isagu ku guulaystay.

Xildhibaan Cabdiraxmaa Talyanle oo ka soo muuqday fiidyow u ekaa in guri dhexdii lagu duubay ayaa sheegay in Guddoomiyaha Rasmiga ah ee Golaha Wakiilladu uu isaga yahay isla markaana laga musuqay doorashadii shalay.

Waxa jiray weedho aan markii hore la moodayn in ay dhab ka tahay oo uu bartiisa Facebook soo dhigay Muniir Axmed Cigaal oo ka mid ah xisbiga Waddani kaas oo isla markii doorashadu dhacday wax yar kadib ku soo qoray boggiisa Facebook sidan:

“War deg deg: Tirinta codkii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo lays dhaafiyay. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ayaa helay 39 Halka Baashe Maxamed Faarax helay 38. Xogahayaha Golaha Wakiilada iyo team kii tirinaayay ayaa is waydaariyay codka.

KULMIYE boob iyo khiyaano ayuu rabaa inuu kursi kasta ku fuulo socon mayso lakiin waa haddii laga yeelo.”

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka hore Guusha Baashe Faarax iyo hambalyada Talyanle iyo Cabdiraxmaan Cirro:

Halkan hoose ka daawo warka dambe ee Talyanle ku sheegay in uu yahay Guddoomiye la doortay ee Golaha Wakiilada:

Halkan hoosena ka daawo muuqaalka dareenka xildhibaanada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka: 

bandhige@gmail.com