Raila Odinga wuxu uga digay xisbul-xaakimka Kiiniya in ay doorashada ku shubtaan

 

Iyadoo ay doorashadii ka hadhsan tahay maalin kali ah ayaa murashaxa isbahaysiga mucaaradka kiiniya ee NASA wuxu ka digay in xisbul-xaakimka Jubilee ay isku dayaan in ay kala rogaan natiijada doorashada dalkaas ka dhacayso oo uu sheegay in ay si weyn ugu guulaysan doonaan.

“Waxay dedaalkooda oo dhan galinayaan in ay doorashada boobaan, annaguna waxaanu dedaalkayaga oo  dhan galin doonaa sidii aanu uga hor tagi lahayn” ayuu yidhi Odinga.

Murashaxa NASA wuxu intaa ku daray “Sida kali ah ee ay ku guulaysan karaan Jubilee waa iyaga oo doorashada natiijadeeda is weydaariya,  si kale oo ay ku guulaysan karaan ma jirto”

Siyaasiga ruugcaddaaga ah ee Raila oo hore u ahaan jiray Ra’iisal-Wasaaraha Kiiniya ayaa markii afraad u taagan jagadan iyadoo ay is wajahaan wiilka uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyey Kiiniya Uhuru Kenyatta.

Labadan nin ee u sharaxan doorashada Kiiniya ayaa labadooda qoys ay siyaasadda Kiiniya col ku ahaayeen laga soo bilaabo 1963kii, iyadoo Raila aabihii uu mucaaradka hoggaamin jiray markii uu Uhuru aabihii madaxweynaha ahaa.

Markii ay xornimada Kiiniya qaatay ee Uhuru aabihii madaxweynaha noqday, Raila aabihiina wuxu noqday ku-xigeen. Haseyeeshee laba sanno gudahood ayay si ba’an isugu dhaceen taas oo keentay in lagu beddelo Daniel Arab Moi oo markii Kiiniyaata dhintay 1978 noqday madaxweynaha Kiiniya.

Dunida ayaa walaac badan ka qabtay in doorashadan ay ka dhashaan rabshado la mid ah kuwii dhacay 2007kii, kuwaas oo ay ku naf waayeen in ka badan kun qof kumanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Bandhige@gmail.com

http://bandhige.com/faallo-doorashooyinka-kiiniya-iyo-duruufaha-ku-xeeran/