“Xaaladda Barakacayaasha Fiqifuliye oo gurmad u baahan” Wariye Cali Caanadhame

 

Barakacayaasha Fiqifuliye ayaan saddexdii  bilood ee ugu dambeeyey wax taageero ah helin sida ay tibaaxday warbixin muuqaal ah oo uu maanta diyaariyey wariye Cali Caano Dhame.

Madax-dhaqameedka iyo dadweyne deegaanka Fiqifuliye ayaa sheegay in barakacayaasha deegaankoodu wixii ay duunyo lahaayeen ay ku waayeen abaartii ba’nayd ee dalka saamaysay.

Dadka deegaanak Fiqi Fuliye ayaa mahadnaq u jeediyey Wasiirka Khayraadka Biyaha Xuseen Cabdi Boos oo ay sheegeen in intii karaankiisa ah uu u dedaalayo isla markaana uu xidhiidh joogto la leeyahay bulshada.

Hoos ka daawo warbixinta Cali Caanodhame.