Doorashadii dimuqraadiga ahayd ee Golaha Wakiillada iyo hambalyeyntii Talyanle

 

Mar kale ayay Somaliland dunida tustay sida ay u tahay dal dimuqraadi ah, iskii arrimihiisa u maamulan kara, iskuna hannayn kara marka kala kala guulaysto.

Guddoomiye-Xigeenkii hore ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa hal cod oo kali ah kaga guulastay xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ka tiran xubnaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ugu jira Golaha Wakiillada.

Waxa la filayey in Baashe Maxamed Faarax uu si weyn uga guulaysan doono Talyanle maadaama uu ka tirsan yahay xisbil-xaakimka oo leh tirada ugu badan kuraasta Golaha Wakiillada. Hase yeeshee waxa si lama-filaan ah qarka in uu jagadaas ku guulaysto qarka u saaray xildhibaan Talyanle, taas oo guul u ah isaga iyo xisbigiisaba.

Xildhibaan Talyanle ayaa markiiba hambalyeeyey Baashe Maxamed Faarax isla markaana sheegay in doorashadu ay si dimuqraadi ah u dhacday.

Sidoo kale, wuxu mahadnaq u diray xubnihii isaga u codeeyey iyo kuwii ka codeeyeyba.

Baashe Maxamed Faarax ayaa u soo samray kursigan isagoo naawilayey in loo bannayn doono ilaa iyo markii uu Cabdiraxmaan Cirro noqday Guddoomiyaha Xisbiga Waddani 2012kii.

Berito ayaa la filayaa in loo tartamo kursiga kale ee bannaanaaday oo ah ku-xigeenka Golaha Wakiillada kaas oo xubnaha u tartamaya ay ugu cadcad yihiin xildhibaan Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka soo jeeda Awdal, Xildhibaan Bukhaari oo ka soo jeeda Sanaag iyo xildhibaan Waabeeye oo ka soo jeeda Togdheer.

Bandhige@gmail.com