Qarax xooggan ayaa waxa uu maanta ka dhacay isbitaal ku yaalla magaalada Koonfurta Galbeed ee Bakistaan ku taalla ee Quetta, halkaasi oo 50 qof ay ku dhinteen, in ka badan 60 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadka dhintay badankood ayaa ah garyaqaanno, sida ay sheegayaan warbixinno horudhac ah.
Sarkaal sare oo booliis ah oo lagu magacaabo Zahoor Ahmed Afridi ayaa warbaahinta u sheegay in dhowr qof oo booliis ah iyo laba shaqaale saxaafadeed ah ay ku jiraan dadka dhintay.
Qarax ayaa dhacay waxyar uun kadib markii tobaneeyo garyaqaanno ah ay isugu soo baxeen isbitaalka Quetta iyaga oo ka banaanbaxaya dilka guddoomiyaha qareenada oo toogasho lagu dilay aroornimadii hore.
Saraakiisha ayaa sheegaya in ay u badan tahay in tirada dhimashada ay intan kasii badato maadaama in badan oo ka mid ah dadka dhaawaca ah ay xaaladoodu liidato.