Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta oo sannadkiiba mar la qabto ayaa maanta lagu daahfuray Hargeysa. Waa sannadkii 14aad ee dhacadadan muhiimka ah lagu qabto Hargeysa iyadoo uu baaqday sannadkii 2020-kii aafada karoonaha dartii.
Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa si rasmi ah u furay badhiga. Waxa iyaguna ka qaybgalay madax kale oo uu ka mid yahay maayarka Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge.
Safiirka dalka Taiwan u fadhiya Somaliland Ambassador Allen C. Lou ayaa isaguna ka qaybgalay munaasibadda hadalna ka jeediyey.
Waxa isaguna madasha hadal ka jeediyey Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolás Berlanga.
Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo ah Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa isla markaana ah aasaasaha xaruntan ayaa isaguna khudbad qiimo badan ka jeediyey madasha.
Wufuud ka kala timid waddamada jaarka, gaar ahaan Jabuuti iyo Itoobiya, ayaa iyaguna ka qaybgalay bandhigga.
Bandhiggan ayaa sannad kasta lagu casuumaa dal ka mid ah dalalka Afrika, kuwaas oo qoreyaashooda, suugaanyahannadooda iyo farshaxannadoodu ay hibooyinkooda iyo wax-soo-saarkooda ku soo bandhigaan. Sannadkan waxa macsuum ku ah dalka Itoobiya.
Waxa iyaguna ka qaybgali doona tobannaan qoraayo, abwaano iyo farshaxano reer Somaliland ah oo ku soo bandhigi doona qoraalladooda iyo farshaxanadooda.
Hoos ka daawo sawirrada Bandigga.