BBC: Tirada dadka ku dhintay Qaraxyadii garoonka Kabul oo la shaaciyay

Labo qarax ayaa lagu soo warramay inay ka dhaceen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul waxaana jira warar aan la xaqiijinin oo sheegaya dhimasho aad u badan.

Sarkaal sare oo caafimaad ayaa BBC-da u sheegay in qaraxyadaas ay ku dhinteen ugu yaraan 60 ruux halka 140 kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa weerarkan lala beegsaday afaafka hore ee albaabka Abbey – halkaasoo ay daggan yihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska – sidoo kalena ku dhow hoteel.

Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in uu jiro khasaare soo gaaray ciidamada Mareykanka iyo dad shacab ah.

Maxaan ka ognahay weerarka ilaa hadda?

Ugu yaraan labo qarax ayaa laga soo tabiyay meel u dhow albaabka Abbey, oo ah kan loo adeegsanayay howlaha daad gureynta ee ka socday garoonka diyaaradaha ee Kabul.

Hal Qarax waxa uu ka dhacay agagaarka Hotel Baron, oo ah meesha ay dadka la daad gureynayo isugu geynayeen dalalka reer Galbeedka.

Afhayeen u hadlay waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa xaqiijiyay inuu jiro khasaare soo gaaray Mareykanka iyo dad shacab ah. Waxaa la arkayay sawirro muujinaya meydad meesha yaalla.

Saraashiika Mareykanka ayaa sheegay in ay jiraan warar sheegaya rasaas dhacday.

Qaraxyadan waxay dhaceen saacado kaddib markii Mareykanka iyo Britain ay muwaadiniintooda ku amreen inay ka fogaadaan garoonka diyaaradaha, iyagoo sheegayay inay jirtay khatar ka soo wajahneyd kooxaha mintidiinta ah.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa arrinta lagu wargaliyay waxa uuna si dhow ula socday xaaladda, halka Ra’iisul Wasaaraha UK, Boris Johnson la filayo inuu shir guddoomiyo kulan deg deg ah.

“Aad bay u awood badnaayeen qaraxyada”

Qof goob jooge u ahaa qaraxyada ka dhacay bannaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul ayaa wariyeyaasha u sheegay in qaraxa uu ahaa “mid dhab ahaantii aad u awood badan”.

“Meeshii aan joognay ayuu si lama filaan ah uga dhacay qarax,” ayuu ninka goob joogaha ah ku yiri muuqaal ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Waxa uu sheegay inuu arkay “ugu yaraan 400 ilaa 500 oo qof” oo ku sugnaa meesha uu qaraxa ka dhacay, waxaana uu qaar ka mid ah dadka waxyeelladu gaartay ku tilmaamay “ciidamo ajaanib ah”

“Bareelleyaal ayaan halkan uga qaadnay dadkii dhaawacyada ahaa… dharkeyga waxaa wada qariyay dhiig,” ayuu yiri.

Maxay Taliban ka dhaheen weerarkan?

Afhayeen u hadlay kooxda Taliban ayaa cambaareeyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay bannaanka garoonka diyaaradaha Kabul, isagoo sheegay in goobta ay wax ka dhaceen ay tahay meel ay maamulaan militariga Mareykanka.

“Xukunka Islaamiga ah waxa uu si adag u cambaareynayaa qaraxyada lagu bartilmaameedsaday dadka shacabka ah ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha Kabul,” ayuu Twitter-ka ku yiri Zabihullah Mujahid.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in qaraxyada “ay ka dhaceen meel ay amnigeeda mas’uul ka yihiin ciidamada Mareykanka”.

Suhail Shaheen, oo sidoo kale ka mid ah afhayeennada Taliban ayaa isagana sheegay in kooxdu ay “si dhow ula socoto amniga iyo difaacidda rayidkeeda”, waxa uuna hadalkaas ku sheegay qoraal kale oo uu soo dhigay Twitter-ka.

Mareykanka oo xaqiijiyay in ciidamo looga dilay weerarka?

Saraakiisha Pentagon-ka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in qaar ka mid ah ciidamadooda ku sugan Afghanistan lagu dilay qaraxyadii galinkii dambe ee maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Kabul.

Wasiirka Difaaca ee Mareykanka, John Kirby, ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in askarta Mareykanka uu khasaare kasoo gaaray weerarkaas.

Warbaahinta Mareykanka ayaa tabisay in afar askari oo ciidanka Mareykanka ah ay ku dhinteen halkaas, kuwo kalena uu dhaawac soo gaaray.

Ma sii socon doonaa howlgalka daad gureynta?

Qaar ka mid ah dalalka muwaadiniintooda ka daad gureynayay Afghanistan ayaa ku dhawaaqay inay hakiyeen howshaas kaddib qaraxa maanta.

Waxaa ka mid ah Norway oo sheegtay in hadda ay xiran yihiin albaabada garoonka diyaaradaha, suurtagalna aysan ahayn in muwaadiniintooda lasoo daad gureeyo.

Waaradda Arrimaha Dibadda ee Norway ayaa warkan soo saartay saacadihii lasoo dhaafay.

Hase yeeshee UK ayaa ku adkeysaneysa in lasii wadi doono dadaalka daad gureynta muwaadiniinta Britain.

Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa sheegay howlgalkaas uusan u istaagi doonin qaraxyada dhacay awgood.

Qaramada Midoobay oo ku tilmaantay ‘weerar argagixiso’

Xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa cambaareeyay “weerarka argagixiso ee dadka shacabka ah ugu dhinteen magaalada Kabul”, sida uu sheegay afhayeenkiisa.

“Dhacdadan waxay hoosta ka xariiqeysaa sida ay xaaladda gudaha Afghanistan ka jirta u tahay mid qalalaase ah, balse waxaa dhacdo sii xoojineysa awoodda aan u leenahay inaan xal u raadinno sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka reer Afghanistan ee caawinaadda u baahan,” ayuu yiri Afhayeenka oo lagu magacaabo Stephane Dujarric, mar uu la hadlayay war fidiyeenka.

Waxa uu intaas ku daray “ilaa inta aan hadda og nahay” ma jiro khasaare soo gaaray shaqaalaha Qaramada Midoobay.

Xigasho: BBC Somali