Beelweynta Gaashaanbuur Axmed Faarax waxay u balanqaadeen Musharaxa Muuse in ay hormuud ka noqonayaa Ololaha Xisbiga KULMIYE

 

Guddiga guud ee beelweynta Gaashaanbuur Axmed Faarax, Cuqaasha , Xildhibaanada iyo nin-garboodka beelweynta Axmed Faarax Nuux ayaa kulan balaadhan la qaatay  Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xubno sarsare oo ka tirsan hoggaanka Xisbiga KULMIYE.

Cuqaashada iyo Guddiga Guud ee Gaashaanbuur Axmed Faarax ayaa  balanqaaday inay beeshu cod iyo cududba la garabtaagan yihiin Murrashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi isla markaasna aan wakhtigan laga filayn inay xisbi kale ku doorsadaan xisbigii ay aasaaskiisa lahaayeen.

Xildhibaanadda beelweynta Axmed Faarax Nuux ayaa si balaadhan u shaaciyay in ay ka xildhibaanno ahaan ay diyaar u yihiin inay safka hore ka galaan Ololaha Xisbiga KULMIYE ee doorashada soo socota.

Wasiirka Hawlaha guud iyo guriyaynta Cali Xasan Maxamed  ayaa u mahadceliyay odayaasha iyo waxgaradka iyo dhalinyaradda  beelweynta gaashaanbuur Axmed Faarax, waxaanna uu wasiirku ku amaanay beelweynta midnimada iyo isku duubnida.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi  , Guddoomiye ku xigeenka  Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Siyaasi Cabdilaahi Bakayle uga mahadnaqay odayaasha iyo Waxgaradka sidii ay u taageereen Xisbiga KULMIYE doorashooyinkii hore isla markastaana ay wakhtigan kalsooni buuxda ku qabaan beeshani.

bandhige@gmail.com